Qiso: Dadka Jecel Amaanta Waa Nacasyo!

0
548

Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubraik ayaa saxaafaddu ku dhaleecayn jirtay inuu yahay qof  nacas ah oo amaan jecel isla maraakan aan aqoon lahayn. Kitaabka lagu magacaabo “ Nacasnimada siyaasadeed” ee uu qoray Maxamed tawfiiq ayuu si ballaadhan ugu soo qaatay qisas badan oo siyaasadeed.

Waxaana buuga ku qoran in Xusni mubaarik maalin wasiirka Warfaafinta weydiyay su’aalahan “Kee baa wanaagsan aniga iyo Jamal Cabdi Naasir” Wasiirkan oo ahaa aqoonyahan caqli badan ayaa ku yidhi “ Adiga ayaa wanaagsan, waayo Jamal Cabdi Nasir wuxu ka baqan jiray Ruushka”. Haddana wuxuu weydiiyay aniga iyo Anwar Asadaat oo ahaa madaxweynihi isaga ka horeeyay. Wasiirka ayaa ugu jawaabay adigaa ka wanaagsan waayo isagu wuxu ka baqan jiray Maraykanka.

Markii danbe isagoo faraxsan ayuu weydiiyay “aniga iyo Cumar Binu Cabdi-casiis oo ka mid ah madaxdii muslimiinta ugu magac weynaa:. Waxaana u wasiirku ugu jawaabaya : Cumar Binu Cabdi Casiisa Ilaahay ayuu ka baqan jiray”.Markii u jawaabahaasi helay Xusni Mubaarik aad ayuu u farxay.  Waxaana la ogaaday in dadka inta badan faanka jecel isla markaana amaanta ka helaa ay yihiin kuwo nacasyo ah oo aan isku kalsoonayn.

Leave a Reply