Guddidii ka-soo Kabashada Abaaraha oo soo Bandhigay Dhaqaalihii u soo Xarooday iyo Siday u Maamuleen

0
425

Hargeysa (Dawan)- Xubnaha Guddida ka soo kabashada Abaaraha Somaliland,  ayaa shalay shir ballaadhan oo ay ku qabteen xarunta Madaxtooyada kaga war-bixiyey qaadhaankii ay guddidaasi ururisay, intii u soo hoyatay iyo siday u maamuleen.

Waxa kaloo ay guddidu iska fogaysay  eedo ka soo yeedhay xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo  Sheegayey in la lunsday lacagtii qaadhaanka ahayd ee loo ururiyey in lagu xooleeyo  dadkii ay abaartii dalka dhacday horaantii sannadkani  tabaalaysay.

 

 

Xubanaha guddida oo uu hoggaaaminayey Guddoomiyaha guddidaasi ahna Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena bulshada u soo bandhigay xadiga lacagta ay qabteen, wixii kharasha baxay, inta ay hayaan, sidoo kalena shaaciyey in lacagtaasi la hayo la joojiyey in mashaariic lagu fuliyo ilaa  laga gudbayo wakhtiga kala guurka ah ee dalku ku jiro.

 

 

 

 

Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo ka mid ah guddidan  ayaa sharraxay lacagtaas iyo qorshihii laga lahaa, waxaannu yidhi;  “Ku-talagalku wuxuu ahaa in toban Milyan oo doolar la soo ururiyo si mashruucaas loogu fuliyo, waa la kala qaybiyey oo  laba qaybood ayaa loo kala qaybiyey, lacag toddoba milyan ahi waxa ay ahayd ku-talo-galku in aynu gudaha ka soo ururino, saddex milyanna  waxay ahayd inay dibadda ka timaado, oo dad wax inoogu balanqaaday inay ka timaado ayey ahayd, habeenkii 18 May, ee Madaxweynuhu furay, waatii la yaboohiyey,  waxa lagu yaboohay lacag ahayd Saddex milyan boqol iyo afar kun laba boqol iyo laba iyo toban doolar ( $3,104,212), yaboohdii maxa aka dambaayey?  Markaanu dadkii dhexgalnay lacagtii yaboohay,  lacagtii ka soo xerootay waxay noqotay Milyan laba boqol iyo saddex iyo toddobaatan laba boqol iyo laba iyo konton ( $ 1, 273,252), Lacagtaas waxa kharash ku baxay boqol iyo afar iyo toddobaatan kun boqol iyo siddeed iyo siddeetan ($174,188), kharashkaasi wuxuu u badnaa TV-yadii  la isticimaalay, ee faraha badnaa, ee qaadhaanka laga yaboohinayey, TV-yadii waxay qaateen ilaa lacag ku dhawo konton kun oo doolar.”

“Waxa kaloo  jirtay lacag ku baxday raashin badan oo imika dekedda yaalla oo Imaaraadku inoo keenay, waxa ku baxay kharash ah ilaa kow  afartan kun  oo doolar, oo aanu halkan ka bixinay. Siddeed iyo Toban kun waxay  ku baxeen kharashkii habeenkii 18 May, lacagtaas kharashaadka ah marka laysku geeyo waxay noqonaysaa boqol iyo afar iyo todobaantan kun, lacagtii soo ururtayna waxay ahayd Milyan laba boqol iyo saddex iyo toddobaatan laba boqol iyo laba iyo konton, marka intaa la kala jaro waxa soo hadhay Milyan iyo sagaal iyo sagaashan kun iyo afar iyo lixdan doolar ($1, 099,064.)  lacagtaasi waa inta aanu imika hayno ee xaasilka ah,”ayuu yidhi Sheekh Maxamed.

 

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray;  “Lacagtaa sida loo isticimaalayo iyo sida loo kharash garanayo guddi ahaan mar walba waxay ahayd in aanu u wada dhammaanno,  wixii tallo ah waanu wada wadaaganay, hasayeeshee ka saariska lacag Madaxweynuhuna kama saari karayn, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud-na kama saari karayn, afar qof ayaa saxeexa lahaa in ay lacagtaa ka saari karaan, afarta qof kaliya maahee, marka lacag la saarayo in saddex qof ay wada saxeexaan ayay ahayd, sidaas waxaanu u samnay si loo ilaaliyo lacagtaas soo ururaysa, afartan  qof waxa ugu horeeyey Sheekh Cabdiraxmaan Axmed, Maxmed Shugri Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga  iyo Dr. Axmed Buuxane, iyo Inanta Ismahaan Cabdisalaan, afartaa ayuun baa lacag saari karayey, qof kalena ma jirin.”

 

 

Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi ayaa amaanay guddidan, waxaanu yidhi “Markaa mar labaad ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  ka fikiray dadkaa  caydhoobay ee la soo doojiyey sidii loo dejin lahaa, mashruuca labaad ee ka soo kabashadu,  taas ayuu salka ku hayey, in la dejiyo, wixii la xoolayn karo la xooleeyo, beero dib loogu qodo, baliyo iyo seerayaal loo sameeyo, lix najiito mashruuc ka kooban ayuu ahaa, aragti wanaagsan ayey ahayd, waxaan qiraya inuu ahaa hal abuur hoggaamiye ruug cadaa ahi uu ummaddiisa u hor seeday, waxaan qirayaa in guddigii aan odayga u ahaa ee masuuliyadaa loo igmaday in aanu iska xil saarnay mashruucaas.”
Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu naqsiyay siyaasiyiinta mucaaridka  oo uu tilmaamay inay ku ololeeyeen   in lacagtii qaadhaanka lagu tagrifay;  “Waxa kale oo aannu caddaynaynaa in mashruucaas ku talogalkiiisii  iyo sidii aanu u qorshaynay in aanu u midho dhalin. Hal abuurkii ayaannu la nimid, waanu dadaalnay, bulshadii ayaannu u jeedinay yabooh, dad faro badan ayaa yaboohay oo balanqaad sameeyey, lacagtii sidii la doonayey lacagtii may soo hoyan aqlabiyadeedii, waxa soo hoyday qayb ka mid ah, lacagtaa soo hoyatay, waxa loo maamulay si wanaagsan oo caDdaalad leh, waxaannu maqlaynay maalmahan ololaha doorashadu dabayaaqada tahay hadalo badan oo rag waaweyn ka soo yeedhaya, oo masuuliyiin ka ah xisbiyada qaranka, kuwaas oo leh lacagtaa waa la lunsaday, waa la isticimaalay, Kaanbayn ayaa xisbiga KULMIYE uu u adeegsaday, xaashaa li Laah, waxaannu leenahay beenaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaa, waa kuwaas xubnihii guddida ahaa waa dad ehluhu sharaf ah, maaha dad caqligooda iyo caddaalada la iibsan karo,  bulshada Somaliland way taqaanaa,”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

 

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi;  “ Sida aannu u maamulnay iyo sida aanu u qaabaynayna waa kuwaa caddeeyey,  markaa beri ayaannu ka nahay, eedahaa naloo soo jeediyey, waxaannu bulshada u caddaynaynaa in aanu u maamulnay sidii ugu wanaagsanayd, waxaannu u caddaynayaa in aanay annaga waxba gacantayada ku jirin, waxa ummadda laga soo ururiyo iyo waxayaga gaarka ah  rag kala yaqaan ayaannu nahay oo aanay iska khaldamin.

Waxaanu leenahay beentu raad ma leh, beentu lug kaliya ayey leedahay marka la qabtana way kuftaa, malaha iyo tuhunkuna maaha wax xaqiiqo ah, ragaas waaweyna inay wax iska hubsadaan ayey ahayd.”

 

Waxa kaloo shirkaas jaraa’id ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Maxamed Shugri oo labaduba ka mid ah Guddidan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply