Bulshada muslimiinta waxa looga baahan yahay inay mar kasta wanaagga isla jeclaadaan. Rasuulka Allah (scw) wuxu yidhi :” Midkiina Muu Rumeyn Ilaa Uu La Jeclaado Walaalkii Waxa Uu Naftiisa La Jecel Yahey”
Waxa Kale Oo uu Xadiisal Qudsi ku yidhi :” Allah Wuxu Garabkiisa yahay Adoonka Inta Uu Isna Walaalkii Garabkiisa yahay”.
Farxadaadu waxay dhamaystirmaysaa marka walaalka farxad ku jiro, laakiin marna ka ilaali walaalka in farxadaadu ay isaga murugo u noqoto.