Guddoomiye ku Xigeenka Buuhoodle oo ka Hadlay Ficillo Somaliland Lid ku ah oo Maamulka Degmada Wardheer ee Itoobiya Hab-qabiil Ku Gacan Siiyay Puntland

0
286

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Buuhoodle Jaamac Dheeg Cartan, ayaa ku eedeeyay maamulka degmada Wardheer ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya in ay sifo qabiil ku gacan siiyeen maamulka Puntland, isla markaana ay suura geliyeenin shaqsiyaad ka midah maamulka Puntland in ay magaalada Buuhoodle dhanka Somaliland ka soo galaan soohdinta Somaliland iyo Itoobiya ay wadaagaan.

Waxaa kale oo uu ka hadlay ciidan iyo hub uu sheegtay in lagu wareejiyay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo socdaal dhuumasho ah ku yimi Buuhoodle oo uu sheegay in aanay jirin ciidan beeleed ka tirsan deegaanka Buuhoodle oo lagu wareejiyay iyo wax ciidan beeleed ah oo halkaa ku sugan, waxaanu intaa raaciyay in gaadiidka tiknikada ah iyo ciidanka uu sheegay in lagu wareejiyayba ay ahaayeen gaadiid ay Puntland leedahay iyo isfaatkiisii (illaaladiisii) oo warbaahinta loo soo bandhigay.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay tallaabooyin ay kaga hor tegayeen isku dayo uu ku-xigeenka Puntland ku doonayay in ay gudaha Somaliland ka geystaan iyo isku dhacyo beeleed oo u qorshaysnaa oo ay fashiliyeen.

Guddoomiye ku-xigeenka oo waraysi gaar ah khadka taleefankaku siiyay wargayska Dawa, ayaa ugu horrayn isagooka jawaabaya su’aallaga waydiiyay socdaalka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo hub uu sheegtay inlagu wareejiyay waxaa uu yidhi. “ Horta gobolka Buuhoodle deegaanadiisa oo dhan waxaa ku sugan oo jooga ciidanka qaranka Somaliland oo dhan walba ka xiga mana jiro ciidan beeleed Buuhoodle ku sugan oo ah ciidanka iyo baabuurta tiknikada ah ee warbaahinta loosoo bandhigay ee uu yidhi beel baa igu wareejisay waxba kama jiraan waji gabixii u socdaalkiisa tuugada ah kala kulmay ayuu ku baabiinayay waxaanay ahaayeen istaafkiisii iyo baabuurtiisii oo uu muuqaal la duubay iyo laba oday oo cayladiisa ka mid ah oo ka hadlay mana jirodhul Somaliland ah oo uu so maray markii uu halkan(Buuhoodle) uu imanayay ee socdaal uu dalkale iyo dawlad kale ku soo dhex maray ayuu ku soo galay.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay siduu dal kale iyo dhul kale uga soo gudbay ee ay ugu suura gashay, ayaa ku jawaabay. “horta Itoobiya iyo Somaliland waa labadaloo saaxiib ah isla markaana xidhiidh wanaagsan oo qoto dheer wadaaga laakiin maamulka degmada Wardheer ee dawlad deegaanka Itoobiya wuxuu ku kacayaa falal lid ku ah xidhiidhka qotoda dheer ee labada dal waxaanay hab qabiil oo foolxun oo labada dal xidhiidhkooda aan u wanaagsanayn oo qabiilaysan ay kula socdaan oo ay ula shaqeeyaan Maamulka Cabdiwali Gaas oo ay isku raas yihiin dhammaan madaxda deegaanka degmada Wardheer oo si aan gabasho lahayn oo qabiilnimo ula socda wiilkooda Cabdiwali Gaas,ayaa u fududeeyay in uu soo dhex maro deegaanka degmada Wardheer oo illaa Buuhoodle dhanka Itoobiya xukunta arrintaana waxaa loo baahan yahay in dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo xidhiidh wanaagsan aynu leenahay inn ay wax ka qabato si aanay crqalad ugu noqon xidhiidhka wanaagsan ee labada deegaan iyo labada dalba. Somaliland dhankeeda ma dhici karto in cid dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ama guud ahaan Itoobiya in ay u sii dhex marto anaguna(Somaliland) haddaanu nahay maamulka gobolka Buuhoodle waxaanu dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ka doonaynaa in ay arrintaa wax ka qabato oo maamulka Wardheer ee habka qabyaaladaysan Puntland ula socda in ay wax ka qabtaan.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay tallaabooyinka ay qaadeen markii uu socdaalka ku yimi Buuhoodle Cabdixakiin Camay, ayaa yidhi. “horta socdaalkiisa ujeedada ugu weyn ee ay ka lahaayeen maamulka Garoowe waxay ahayd in ay dhibaato ka dhex ridaan dadka reer Somaliland isla markaana ay isku dayaan in ay soo celiyaan dagaal beeleed muddoba nabadayntiisa ay Somaliland wadday oo ay ku guulaysatay in ay nabadayso oo ah beelaha Buuhoodle iyo Qori-lugud si aanay taasi u dhicin waxaanu la kulanay madaxdhaqameedla labada beelood iyo dhallinyarada iyo wax-garadka waxaanan u shegnay in uu jiro cadaw ku soo duulay oo doonaya in ay nabad gelyadooda waxyeeleeyaan oo ay isku diraan oo labada beelood dhexdooda wax ka ridaan taana dadku aad ayay ugu baraarugsan yihiin waxaanay ka daaleen dadka deegaanku in cid aan u naxayni ay isku disho oo dhiigooda ay daadiso.”

Ugu dambayn waxaa uu kahadlay mashaariic horumarineed oo ay xukuumadda Somaliland gobolka ka fulisay iyo kuwo kale oo ay hadda ka waddo. “xukuumada Somaliland waxay gobolka ka fulisay mashaariic aad u badan oo dhanka arrimaha bulshada ah oo ay ka mid yihiin caafimaadka gurmadkii taakulaynta dadkii baaruhu ay saameeyeen imikana xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaa ka go’an in ay gobolka Buuhoodle dadkiisa wax u qabato oo ay soo gaadhsiiso gobolada kale oo uu yeesho Jaamacado arday gobolka Buuhoodle u dhashay ay kasoo baxaan oo gobolku uu yeesho wax-soosaar iyo horumar markaadadkuna way ogyihiin halka dantoodu ku jirto Xukuumadduna dadkeena wax qabad ayay gaadhsiinaysaa nabad gelyadoodana way ka shaqaynaysaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply