Somaliland oo ka Hadashay Sababta loo Celiyay Diyaarad Siday Tahriibeyaal

0
271

Hargaysa (Dawan): Maaareeyaha wakaaladda duulista Somaliland Cabdi Maxamed Rodol, ayaa ka hadlay diyaarad siday dhalinyaro tahriibeyaal ahaa oo laga soo celiyay dalka Liibiya oo dorraad loo diiday in ay ka soo degto garoonka diyaaradaha Hargaysa.

Waxaanu sheegay in sababta diyaaradaasi dorraad la diiday aanay haysan wax ogolaanshiyo ah oo ay ku soo degto, isla markaana aanay ka mid ahayn diyaaradaha sida caadiga ah uga soo dega garoonka Hargaysa.

“Wiilashii tahriibeyaasha ahaa maanta (shalay) ayaa la keenay. Balse diyaaradu markay meesha ku soo dhawdahay ayay la soo hadashay taawarka Hargaysa, wax ogolaanshiyo ah oo ay haysatayna ma jirto. Meel ay ka timid, meel ay ku socoto anagoon ogayn. Markaa diyaaradiisi ogolaanshiyihii ay ku soo deg lahayd Hargaysa ayaanay haysan.

Diyaaradda maanta (shalay) soo qaaday dhalinyaradan tahriibeyaasha ahaa, waxay ka mid tahay diyaaradaha caadiga ah ee ka soo dega garoonka diyaaradaha Hargaysa” ayuu yidhi Cabdi Rodol, oo la hadlay VOA.

Geesta kale maareeyaha wakaaladda duulista iyo madaaradda Somaliland waxa uu beeniyay in diyaaradaasi doraad loo diiday in ay madaarka Hargaysa soo degto ee tahriibeyaasha siday ay ka cabanaysay shiidaal yaraan. waxaanu yidhi “Diyaaradu haddii ay soo sheegato in shiidaal yaraan ay jirto ama xaalad deg dega ay ku jirto, hab loo maro ayaa jira, oo xataa markaa diyaaradaha kale ee garoonka fadhiya laga fogeeyo.

Laakiin, diyaaradan mushkiladeedu waxa ahayd ogolaanshiyo ayaanay haysan, nidaamkii loo marayayna may soo marin”.

Waxa kaloo uu sheegay mareeyuhu in diyaaradaasi oo laga soo qaaday markii hore magaaladda Muqdisho, Kadib markii danbe dhalinyaradii tahriibeyaasha ahaa ay ku dejisay magaaladda Garoowe, isla markaana shalay ay halkaa ka soo qaaday diyaarad kale.

“Dhalinyaradan tiradoodu waa ilaa konton. Markii hore Muqdisho ayay ka soo qaaday, maanta-na (shalay) Garoowe ayay ka soo qaaday diyaarad kale, tii markii hore siday ma ogi meel ay u baxday” ayuu yidhi maareeye Rodol.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply