Nin Afartan Sanno Maalin Walba Geed Beerayey

0
456

 

Hindiya (Dawan):- Jadav Payeng oo muddo afartan sannadood ah maalin walba geed beeri jiray, ayaa wakhtigan yeeshay kayn ay ku nool yihiin Maroodi tiradoodu gaadhayso boqol iyo shan iyo toban Maroodi.

Ninkan oo ku nool gobolka Azzam ee dalka Hindiya oo dhir beerista bilaabay sannadkii 1979-kii, ayaa wakhtigan kaynta uu abuuray ku fadhidaa masaafo gaadhaysa 1, 260 hiktar.

Aabahan saddexda caaruur ah dhalay ayaa la sheegay in qisadiisu ku soo shaacbaxday barnaamij loogu magac-daray Ninkii Keynta oo dad gaadhaya 2.7 milyan qof ay daawadeen, isaga oo ka hadlayay sababta arrintan ku dhalisayna waxa uu ydihi, ‘Waxaa ii muuqday wax cajiib ah, uuna eeg keyn meel durugsan iiga bidhaamaysa.”

Payeng, oo nolosha qoyskiisa ku debera caanaha lo’diisa oo suuqa u iibgeeya, ayaa la sheegay in uu u dabran yahay kobcinta iyo beerida keyntiisa, isaga oo caddeeyey in aanu joojin doonin illaa inta uu noolyahay.

Waxa kale oo uu sheegay beerista dhirtu ay ku adkayd wakhtiyadii hore, balse xilligan uu si weyn ugu raaxaysto beerista geedaha, maadaama dhirtu ay tuuraan ama ridaan ubax oo ay iyagu is beeraan.

Balse ninkan ayaa sheegay inay mushkilad ka haysato ugaadhsatada xawayaanka iyo kuwa dhirta gumaada, waxaanu yidhi, “Dadku wax walba way cunaan, illaa wax waliba dhamaadaan, wax ka nabadgelaya bani’aadamka ma jiro.”

Mr. Payeng ayaa sheegay in arrintan beerista dhirta ay ku keliftay tuulada uu ku noolyahay ee Majuli oo ahady meel lama degaanka ah, taas oo keentay in uu tijaabiyo in ay dhiri ka bixi karto, taasina ay u rumowday.

In badan oo khubarada cilmiga dhirta ah, ayaa ammaanay tallaabada uu qaaday Payeng, isla markaana sheegay inay tahay mid ku dayasho mudan.

Dr Arup Kumar Sarma oo Machadka Tiknoolajiyada Hindiya ah ayaa yidhi, ‘Payeng waxuu ku guulaystay tusaale wax ku qaadasho mudan, haddii qof keligii intaa qaban karo, maxaa diidaya in inta kalena ku deydaan.

Waxuu sheegay in hadafkiisu yahay beeritaanka masaafo gaadhaysa shan kun oo hektar.

Arrinkan ayaa sidoo kale tusaale u noqonaya bulshada reer Somaliland dhammaantood in qof waliba hadduu u dhaqaaqo wanaajinta dalkiisa guulo badan naftiisa iyo umadiisaba gaadhsiin karo, siduu hore Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ugu dhiiriyey dhireynta dalkeena.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here