Wakiilka Somaliland ee Sweden oo Sheegay in ay Fashiliyeen Falal Cadawtinimo oo la Doonayay in Lagu Waxyeeleeyo Jamhuuriyadda Somaliland

0
281

Stockholm (Dawan): Wakiilka Somaliland u fadhiya magaaladda Stockholm ee caasimadda dalka Sweden, Sekeriye Xasan Wacays, ayaa sheegay in ay fashiliyeen dhawr isku day oo cadowgu doonayay in uu ku dibin-daabyeeyo qarannimadda jamhuuriyadda Somaliland.

Falalkaasi la doonayay in lagu waxyeeleeyo Somaliland ayuu danjire Sekeriye ku tilmaamay in ay ahaayeen dabino ay soo maleegeen dawlado iyo ururo cadow ku ah jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo ay ka mid tahay dawladd Xamar.

Danjire Sekeriye Xasan Wacays, waxa kale oo uu wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ka difaacay dhaliilo beryahan danbe loo soo jeedinayay oo la xidhiidhay in wasaaradu ka gaabisay hawlihii ay qaranka uga masuulka ahayd.

Waxaanu sheegay in guullo badan oo wax ku ool ah ay ku tallaabsatay mudooyinkan danbe, hase yeeshee waxyaabo badan oo wasaaradda khaarejiga iyo xafiisyadda dibadu ay qabteen aanay warbaahinta marin, maadaama oo ay yihiin sir qaran.

Danjiraha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan aaminsanahay sannadkii u danbeeyay shaqadda ay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland qabatay, weliba gaar ahaan xafiiska Sweden uu qabtay in ay ahayd shaqo aan ka dhicin waxyaabihii la qabtay shantii sanadood ee u danbeeyay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ama wakiiladda xafiisyadda dibadu, maadaama shaqadda aanu haynaa ay tahay sirtii qaranka, maadaama ay tahay xidhiidhkii aan la lahayn aduunyadda, waxaa dhacda in aanaan inta badan saxaafadda ka hadal, oo aanaan odhan waxaas ayaa dhacaya. Sababta oo ah, marka sirtaadda iyo warkaaga la hello cadowgaaguna wuu kaa faa’iidaysanayaa”.

Sidoo kale danjire Sekeriye waxaa uu ka warbixiyay qorsheyaal la doonayay in lagu curyaamiyo qarannimadda iyo horumarka jamhuuriyadda Somaliland oo ay fashiliyeen, waxaanu yidhi “Safaaradda Somalilnd ee Sweden cadow badan iyo xadhko xumaan ah oo loo xidhayay Somaliland ayay wax ka qabatay, waanan ka guulaysanay cid kasta oo is lahayd dhibaatee ama lugta qabo horumarka Somaliland.”

“Runtii, waxaa ugu dambaysay arrimahaas, dawladda Soomaaliya, oo la moodayay in fikirkeedii siyaasadeed ee ay dalkeedda iyo dadkeedda ku maamuli lahayd, in ay ku soo ururisay sidii ay lugta u qaban lahayd dawladdnimadda iyo qaranimadd jamhuuriyadd Somaliland,” ayuu yidhi wakiilka Somaliland ee Sweden oo u warramay telefiishanka HCTV, waxaanu intaasi raaciyay “dawladda Soomaaliya, waxay geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuuleen sidii ay Somaliland u waxyeelayn lahaayeen, oo ay xataa isku deyeen in ay Somaliland ka cuno-qabateeyaan dhaqaalaha dawladaha qaadhan bixiyeyaashu u soo mariyaan.”

Leave a Reply