‘Nin Jabhad Abaabuleya Ayuu u Egyahay Puntland Ayuuna ku Sugan Yahay’

0
288

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Ciise Axmed Xawar, ayaa sheegay in sarkaal hore uga fakaday ciidamada qaranka Somaliland, u uu abaabul jabhadeed ka wado deegaan 15 KM u jira degmada Qardho oo lagu magaacabo Higlo, kaasi oo ka tirsan maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya .

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Xawar, waxa uu sheegay in sarkaalkan oo lagu magacaabo Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo ka tirsanaa ciidamada qaranka Somaliand, uu ku mashquulsan yahay sidii uu u samayn lahaa jabhad ka dhan ah Somaliland, waxaanu yidhi “Caarre waa nin ka tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland. Waxa aad la socotaan in uu muddo dhawr bilood ah abaabul jabhadeed ka abuurayey gobolka Sanaag. haddana waxa uu ku sugan yahay deegaan ka tirsan maamulka Puntland ee Soomaaliya, tuulo 15 KM u jirta magaalada Qardho, tuuladaas yar oo la yidhaahdo Higlo.”

Wasiir Ciise Axmed Xawar waxa uu sheegay in ay waan-waan ku eegayaan arrinta uu wado taliyaha ka goostay ciidamada qaranka. haddii ay arrintaasi socon waydayna ay ciidamada qaranku tallaabada ku habboon ka qaadi doonaan.

Ciise Axmed Xawar, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Laba waxba waa muhiim, xal iyo waan-waan in lagu eego. haddii taa laga waayo khasab waxa ku ah ciidanka iyo dawlad ahaan ba in tallaabada ugu muhiimsan ama ugu munaasibsan in la qaado, sii loo soo afjaro, hawl nagu sii dheeranaysana maaha runtii.”

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo ka hadlayay sababta uu Siciid Cawil Jaamac Caarre hadda u joogo deegaannada maamulka Puntland ee Sooomaaliya iyo waxa uga meel-yaal xukuumad ahaan, waxa uu yidhi “Puntland ayuu dabada la galay, ma qabo inuu halkaa ka heli karo awood ama taageero. Sababta oo ah waxa ay tari karaan ayaa iska yar runtii. laakiin waxa weeye meel uu isleeyahay haddii lagugu soo dhaqaaqo ku fako.

Waxa naga go’an hawsha Caarre iyo dhallinyarada la socota oo aanu qaranku u dulqaadan karin in tallaabo laga qaado oo si degdeg ah loo soo afjarno. waa aynu ka soo gudubnay heer maleeshiyaad iyo nidaam jabhadeed aynu iska dhex abaabulno.”

Leave a Reply