Xukummadda oo ka Hadashay Khilaafka Ka Dhex Curtay Jabuuti iyo Soomaaliya

0
312

Hargeysa (Dawan)- Xukumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay, isbedelka nabadeed ee ka dhacay dalka Itoobiya, qalalaase maalmo qaadatay ka dib. Sidoo kale waxa ay shucuubta Itoobiya ka tacsiyadaysay dadkii ku dhintay rabashadiihii ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka deegaanka Ismaamulka Sooomaalida ee dalkaas.

Wasiirka wasaaradda arrimaha debadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay xaaladda dalka Itoobiya, khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti iyo arrimo kale oo la xidhiidha shaqada wasaaradda arrimaha debadda ee Somaliland.
Dr. Sacad ayaa ugu horrayn soo dhaweeyey isbedelka siyaasadeed ee ka curtay dalka itoobiya, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “xadka ugu dheer waxa aynu la leenahay dalka Itoobiya, waana waddan aynu si badan iskugu xidhan nahay. markaa wax kasta oo ka dhaca saamayn ayey inagu leeyihiin dhinac walba.
Isbedelka ka socda waddanka Itoobiya oo saldhigiisu yahay nabad ku wada noolasho iyo iskaashi dhaqaale, waa aynu soo dhawaynaynaa. wixii dhibaato ee ka dhacana way ina saamaynaysaa.
Dhibaatada iyo rabshadaha ka dhacday deegaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Kilka-shanaad waanu ka xunnahay. Waxaan ka tacsiyadaynayaa dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay shaqadaada halkaa ka dhacday.”
Wasiir Sacad Cali Shire, waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee dhex maray dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, waxaanu sheegay in Somaliland aanay marnaba diyaar u ahayn in ay ka dhex faa’idaysato khilaafkaas u dhexeeya labadaasi dal. Waxaanu yidhi “ma rabno in aynu ka faa’idaysanno xumaan ka dhaxaysa waddamada jararkeena. waxa aynu doonaynaa in aynu noqono waddamo xor ah oo geeska Afrika jooga oo cilqaad iyo iskaashi wanaagsan leh.
Sidaa daraadeed, waxa aynu ku dedaalaynaa in aynu cilaaqad wanaagsan la yeelanno cid walba. laakiin ujeedadeenu maaha sidii aynu uga faa’idaysan lahayn khilaaf ka dhexeeya cid gobolka ah.”
Dr. Sacad Cali Shire, sidoo kale, waxa uu iska fogeeyey eedaymo loo soo jeediyey wasaaradda arrimaha debadda Somaliland, kuwaas oo sheegeyey in uu gaabis ku yimid shaqada wasaaradda iyo xidhiidhka ay Somaliland la lahayd waddama dunida , isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “anigu waxa aan jooga laba sanno iyo dheerad. Raggii iga horreeyeyna dedaal badan ayey sameeyeen. Annaguna waxaannu wadnaa dedaal aad u badan.
Marka wax la dhaliilaayo, waxa jira halbeeg laga qiyaas qaato. arrinta ictiraafku innaga carrabkeena iyo gacanteena kuma jiro oo cid kale ayeynu ka sugaynayaa in ay ku dhawaaqdo ee inaga waxa laynaga rabaa dedaal. Runtiina dedaal looma yaraysan. imika waxa aynu leenahay sagaal iyo toban wakiil iyo xafiisyo intii ka badan oo ka waaweyn oo ka muhiimsan.”

Leave a Reply