Taariikhda Way ku Hagtaa, Waxna Way ku Bartaa!

0
375

By: Cabdilaahi Aadan Cumar Wayab

Dadka reer Somaliland waxa lagu xantaa inay yihiin dad aad iskugu darran markay dhexdooda tahay, inta cadowga u ahna waxa ay had iyo goor ku fooggan yihiin isku dhufashadooda iyo dhiirigelinta ficiltanka gudahooda iyadoo qabaa’ilka kolba ka yara kacsan la ammaanayo, isla markaana taageero dhinac kasta ay u fidiyaan inta kasoo horjeeda jiritaanka Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Muddo ku dhow soddon sanno ayaa haatan kasoo wareegtay waqtigii aan dib ula soo noqonay xorriyaddeenii iyo Madaxbannaanideenii aan ka qaadanay Boqortooyada Ingiriiska 26kii June 1960kii, illaa iyo maantadaa aan taaganahay waxa ay dawladnimadeenu ka dhaqaaqi la’dahay waa reer Somaliland oo sidii mara-boobta isku maraya Xukuumad kasta oo qabata hoggaanka dalka, gaar ahaana inta ay ka socon weyday waa inta ku nool candhada dhexe ee JSL.

Taariikhda waxa loo keydiyaa ee loo tixraacaa, in dhacdadii tagtay ee shalay looga faa’iideysto ta la midka ah ama la saansaan ee maanta ku dul joogta, bani’aadankana waxa uu Eebbe u siiyey caqliga iyo xusuustaba inuu dib u dhugto waayihii hore u soo maray iyo waxyaabihii uu kala kulmay ee same iyo xumoba lahaa, si uu mustaqbalka uga fogaado wax kasta oo u horseedi kara inuu mar labaad ku kaco asababihii u horseeday dhibaatooyinka, sidoo kalena raaco dariiq kasta oo ku hagay samaha iyo badhaadhaha, waxana ayaan darro ah in aad xusuusba yeelan weydo oo aad mar walba sameyso ficillo aad horeba dhawr jeer u eedday.

Gabyaa ka mid ahaa kuwa reer Somaliland ayaa waxa ku jiray gabay tuducan [AFKU WUXUU LA XOOG YAHAY MAGLIGA XAWDA KAA JARE’E] , waxan u soo qaatay beydkan si aan u dareensiinyo shacbigeenna, gaar ahaana dhallinyarada oo waqtigan si aan la qiyaasi karin wararka iskugu gudbiya Warbaahinta bulshada, in hadalka afka ahi ka xoog badan yahay xabbada, waayo isaga ayaa sababa in qoriga laysku qaato. Sidaa darteed waxaan ku waaninayaa inay kala shaandheeyaan wararka beenta ah iyo kuwa runta, iyadoo aan filayo inay xog ka hayaan aafada ay bulshada caalamka maanta ay ku hayso Warbaahinta bulshadu, iyadoo dadkii ay ku adkaatay inay kala soocaan runtii iyo beentii, maadaama ay marka horeba ay bulshadii u kala qeybiyeen isirro, diimo iwm.

Maanta Warbaahinta bulshada ee Somaliland waxa ay in badan oo si joogto ah u isticmaashaa u badan yihiin kuwo ku hawlan maalin iyo habeen sidii ay ugu waxyeeleyn lahaayeen geeddi-socodka qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo u dhiga hab qabyaaladeed, bal markaa aan isweydiinee yey wax u dhimayaan inta ay sidani dhaqanka u noqotay? Hadday dhibaato timaadse Allah inooma keenee iyagu ma ka badbaadiyaan? Jawaabta waxaan u dhaafayaa inta waxgaradka ah ee caqligoodu ka koray qabyaaladda.

Waxa kale oo aan u sheegayaa bulshadeena inay gartaan mar uun in ay eegaan waxa ka socda hareerahooda oo ay u yeeshaan feejignaan dhinac walba leh, isla markaana ka jeediyaan indhahoodan ku liishaaman gondahooda ee aan meel kaleba dayeen, waayo ummad iyadu isku jeestay waxay qabsato iska daayoo, waxa ay si fudud ugu jabtaa cadawgeeda, sidaa awgeed waa in aynaan dib ugu laaban raadkii madoobaa ee lixdankii.

Dawladda Soomaaliya oo loogu yeedho Fedraalka ee uu hoggaamiyo Farmaajo oo aan ognahay xaaladdooda ammaan, dhaqaale iyo bulsho-ba halkay marayso, ayaa haddana aanay Warbaahintooda iyo Siyaasiyiintooduba aanay marnaba kasoo yeedhin weedho dhaawac iyo lafjab ku ah dawladnimadooda iyo dadnimadooda toona, sidoo kalena aanay afka ugu calalin Xukuumaddooda itaal kasta oo ay leedahay, innaguna afkeena ayaan ku tirtirnaa sumcadda iyo jiritaanka Qaranimadeena, madaxdeena. Aqoonyahankeena iyo inta mudan in la maamuuso oo ay ka mid yihiin Odayaasha dhaqanka iyo culimaduba.

Waa run, inay nahay ummad jecel dimoqraadiyadda iyo in loo wada hadlo si saraaxad leh oo ka reebban tahay cay iyo been, haseahaatee maanta waxa ka socda dhexdeena, ma garan karo hadda hal-beeg aan ku cabbiro, markaa waxa talo iga ah inaan dadnimadeena, sharafta Qaranimadeena iyo lafaheenaba u tudhno, kana fikirno wax toosin, tilmaamid iyo wax curin aqooneed oo horumar lagu gaadhi karo, waayo dhulka aan u tahriibeyno ee biimaha uu leeyahay aanu cidna ka qarsooneyn waxa hagaajistay dad inala mid ah oo sideena sagaal bilood ku dhashay, waxayna ku gaadheen ismaqal, kala dambeyn, shaqo iyo isla xisaabtan ka fog eexeysi, qof jaceyl, goboleysi iyo qabyaalad la’aan.

 

Leave a Reply