Dumar ka hadlay guurkoodii oo burburay habeenkii ugu horreeyay

0
920

Aroosyada waxaa lagu garanayaa in aad loo xiiseeyo daafaha caalamka oo dhan, balse dumarka ku nool qeybo ka mid ah dunida waxaa niyadjab iyo habeen aan la ilaawi doonin ku ah “xafladaha waaweyn” – waxaana sabab u ah fikrdo la aaminsan yahay.

Dhowr dal oo carabta Muslimiinta ah ay ku nool yihiin, dumarka waxaa laga filayaa in weligood aanan lala seexan arooska ka hor.

BBC qeybta Afka Carabiga ayaa la hadashay dhowr dumar oo meelo kala duwan ku nool. Waxay ka sheekeeyeen sida habeenkii arooskoodii ugu horreeyay u saameeyay in guur kale ay helaan inta noloshooda ka dhiman.

Hoos waxa ku qoran sheekada dumarkaas oo da’doodu ay kala duwan tahay oo ka hadlaya sida arooskii farxadda ahaa uu isugu rogay musiibo.

Somaya – Waa 23 sano jir

Somaya waxay ku guuleysatay dagaal dadban oo qoyskeeda ay la gashay, sababta oo ah waxay u diideen inuu guursado Ibraahim, ninkii ay jeclayd oo ay u aragtay seyga ugu wanaagsan ee gabar kasta ay dooneyso ah.

Waxba kama aanay ogeyn in riyadeedaas ay rumoobi doonto, iyo in ay kala kulmi doonto argagax weyn.

Waxay ahayd habeenkoodii ugu horreeyay ee guurka, kaas oo loo garanayo “habeenka aqalgalka”, xilligaas oo wax kastaa ay burbureen ka dib markii uu ka shakiyay “gabarnimadeeda”.

Waxay dhiganeysay jaamacadda Dimishiq ee Suuriya. Somaya waxay ahayd 23 sano jir, xilligii guurka waxay ku dhoweyd in ay dhameysto Shahadadeeda labaad ee Jaamacadda oo ay ka baraneysay Suugaanta Carabiga.

Balse waxay si daran u jeclaatay Ibraahim oo u ballan qaaday in cidna aanay hor istaagi doonin in ay jamacadda dhameyso.

Inkasta oo qoyskeeda ay u diideen guurkiisa, iyaga oo u arkay in aanay jaamacadda dhameyn, isagana aanu guri haysan, Somaya way ku adkeysatay in arooska uu dhaco.

Way is guursadeen Ibraahim, waxay isugu geysay dhammaan aaminaadeeda iyo jaceylkeeda iyo tageeradiisa. Waxaa sii raacay dhammaan qoyskeeda oo ku dhawaaqay in si farxadleh ay ula noolaaneyso hooyadiisa oo ay u aragtay in hooyadeed ay la mid tahay.

Laakiin habeenkii aqalgalka, Somaya waxay la kulantay layaab iyo amakaak. Seygeeda cusub, si xamaasad leh, isaga oo aan siin fursad ay ku nasato ayuu ku booday, wuxuuna u sheegay in xamaasadda jaceylkooda ay tahay”.

“Waan soo dhoweeyay”, ayey tidhi Somaya, “inkasta oo aan daalnaa, dhib ma sheegan”.

‘Galgaceyl si degdeg ah ku kala daatay’

Waxay u muuqatay in galgaceylkii la isu qabay uu si degdeg ah ku burburay. Waxaa is bedelay wejigiisa iyo xitaa midabkiisa. Waxay u sharaxday in aanay ka shakisanayn “in aanay bikro ahayn” iyada oo ka jawaabeysay su’aal uu weydiiyay.

Inta badan dumarka dhig kama yimaado sida ay sheegeen dhaqaatiirta iyo qaar ka mid ah Khubarada.

Iyada oo sharaxeysay siduu seygeeda u falceliyay, Somaya waxay tidhi “Siduu ii eegayay waxay la mid ahayd qof dagaal igula jira. Wuu i dilay isaga oo aan is ogeyn”.

“Xitaa iskuma aanu deyin in uu ila hadlo. Waxaan dareemay in la i deyriyay, sida qof dacwad maxkamadeed ay ku socoto. Guurka ka hor, waxaan ka wadahadalnay arrimo bdan,” ayey tidhi. “Xitaa habeenkii aqalgalkeena oo aan filayay in uu noqdo midkii ugu wanaagsanaa”.

“Waxaan islahaa wax badan ayad iska garaneysaan labadiina. Balse waxaas oo dhan way baabe’en markii “bikronimo meesha laga waayay’.”

Maalintii labaad ee guurkooda wuxuu ku taliyay in ay dhakhtar u tagaan oo baadhitan lagu sameeyo iyada. Waa dhaqan hore oo soo jiray.

Ka dib markii dhakhtarka ay u tageen waxaa loo sheegay Somaya in ay weli sideedii tahay, uuna furmi karo oo keli ah ka dib markii ay sida dabiiciga ah u dhasho.

Ninkeeda wuu neefsaday wuuna dhoollacadeeyay, Balse wakhtiga wuu ku dhammaaday. Somaya waxay go’ansatay in sida ugu dhaqsaha badan loo furo.

“Seygeyga wuxuu la mid yahay qof aynaan is aqoon. Waxaan aad uga cadhooday in uu aaminay waxa bulshada ay dhaqan ka dhigatay. Ma saadaalin karin waxa xiga ee dhici kara. Wax kasta waa la filan karay. Shaki ma gelin karin badqabkeyga iyo la noolaanshaha qof il-biriqsiyo ku baabi’iyay xidhiidhkeenii sanadaha soo socday”.

Tan iyo wixii markaa ka dambeeyay, caafimaadkeeda maskaxeed ee Somaya wuu sii xumaaday. Waxay ka fogaatay dadkii soo booqanayay, bannaankana uma aanay bixi jirin.

Jaceyl iyo Is rabitan la’aan

Dhowr bilood ka dib, Somaya ninkeeda ayey u sheegtay in ay dooneyso in uu furo, waxayna u xaqiijisay in go’aankeeda aanay ka noqoneyn, ayna nafteeda u baqeyso, sababta oo ah ma jirin jaceyl ama is rabitaan wixii ka dambeeyay habeenkii kowaad.

Waxay kale oo u sheegtay in sida uu uga shakiyay ay ahayd gef iyo liidid uu u geystay.

Waxay sheegtay: “In uu argagaxay, sababta oo ah wuxuu dareemay in nin ahaan uu xaq u leeyahay in uu su’aalo xaaskiisa wixii hore ay u soo sameysay”.

“Wuxuu ii sheegay in aanu i furi doonin, wuxuuna igula taliyay in aan ka fakaro ‘ficilladeyda’ iyo in ay sababi karaan ‘shaleyto iyo qoomamo’.”

Ka dib markii qoyskeeda ay diideen in ay taageeraan furriinka, Somaya waxay aaday Yurub, bishii June.

Jumanah – waa 45 sano jir

Jumanah waxay inta badan nolosheeda ku nooleyd magaalada Xalab ee Suuriya. Xaafadda al-Bab ayey ku barbaartay, waxayna 2016-kii u wareegtay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Waxay BBC u sheegtay in 20 sano ay ku qaadatay in seygeeda uu furo.

“Waxaan ahaa 19 sano jir markii aabahay uu go’aansaday in uu ii guuriyo ina adeerkey, aniga oo diidan.”

“Ma dooneynin. Waxaan jeclaa in aan waxbarto, balse waxay isku deyeen in ay iga dhaadhiciyaan in uu yahay ninka saxda ah ee aan guursado, ugu dambeyna aan isla qabsan doonno. Jaceylka wuu dambeeyaa, ayey igu dheheen”.

Jumanah waxay xasuusatay habeenkii aqalgalkeeda xanuunkii ay la kulntay, iskasta oo guurka uu cusbaa.

“Wuxuu xidhay albaabka, wuxuuna igu is dedeji, iyada oo weli ay dadkii bannaanka joogaan si xaqiijin ay u helaan”.

“Waxay ahayd arrin laga naxo,” ayey tidhi. “Seygeyga ilama aanu hadlin, balse wuxuu doonayaa in shaqadiisa uu dhameysto, inkasta oo aniga aan baqayay, madaxana lulayay”.

Jumanah waxay inta ku dartay “inkasta oo aan walwalsanaa, jirkaygana i xanuunayay, ninkeyga ujeedadiisa oo dhan waxay ahayd in uu dhiig arko.”

Ceebeyn

“Caadi ayaan iska ahaa habeenkaa, markiiba seygeyga wuu aamusay, oo maba aanu hadleyn habeenkaas: ‘dhiig ma laha!’ kuma soo noqon karo meeshaas. Indhihiisa waxay la mid ahaayeen dhuxul markasta i gubi karta.”

Saacad iyo ka badan, way argagaxsanayd, wayna baqeysay, Jumanah way yaabanayd, ereyna ma aanay dhihi karin.

Ma aanu sugin illaa subixii ee, wuxuu u kexeeyay dhakhtar isla habeenkiiba, si uu u soo xaqiijiyo. Wuxuu dhakhtarkii sheegay in ay weli gabadh tahay.

“Waxaan xasuustaa dhakhtarka oo talo siiyay sida inuu aabahay yahay,” ayey tidhi. “Wuxuu ii sheegay in aanan ka sheekeyn waxa uu seygeyga sameeyay”.

Jumanah waxay sheegtay in lagu qasbay in ay la noolato “ninkii dadka hortooda ku ceebeystay,” sababta oo ah qoyskeeda iyo dadka ka agdhowba way diideen in ay taageeraan go’aankeeda ahaa in la furo ee ay dalbatay isla habeenkaa, ayna raadineysay muddo 20 sano ah”.

Mudaddaas 20-ka sano waxay u dhashay afar carruur ah, Jumanah intaa oo dhan ma aanay ilaawin “ceebtii” habeenkaas ay dareentay.

Isla markii ay gaardhay Brussels iyada oo wadata carruurteeda, waxay dib u soo celisay arrintan waxayna dalbatay in ninka ay kala tagaan, ayna ilawdo bulshadeeda oo ay sheegtay in ay taageeri waayeen.

Waxay sheegtay in Brussels ay tahay meel u wanaagsan iyada iyo carruurteeda, ay sii wadayso waxbarashadeeda. Nin dambe in ay guursatana diyaar uma aha, sida ay xaqiijisay.

“Hadda waan faraxsanahay,” ayey tidhi. “Sababta oo ah waan sitaa labadeyda gabdhood. Ninkeyga ma aha waxa aan furay; waa bulshada oo dhan oo aan caddaalad ii sameyn.”

Ogeysiin: Dhamman magacyada dumarka warbixintan laga qoray waa la badalay tas oo ah sida ay dalbadeen

 

 

Leave a Reply