Pompeo: Dunida waa inay ka hortagtaa China

0
476

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sare usii qaaday hadallada ay Maraykanka ku weerarayaan xisbiga Shuuciga ee xukuma China, isaga oo sheegay in Beijing ay isku dayeyso inay dunida qabsato, loona baahan yahay in laga hortago.

Mike Pompeo ayaa hadalkan jeediyey iyada oo maamulka Trump uu sheegay inuu rajeynayo in wejigii kowaad ee heshiis laga soo geba-gebeynayo dagaalka ganacsi uu la saxiixdo China, bisha November.

Pompeo ayaa sheegay in Maraykanka ay muddo ixtiraamayeen saaxiibtinimada dadka Shiinaha, hase yeeshee dawladda Shuuciga ah ee dalkaas aanay la mid ahayn shacabka.

“Waxay raadinayaan oo ay adeegsanayaan hab kasta oo caqabad ku ah Maraykanka, waxaana dunida oo dhan oo isku duuban, laga doonayaa inaan ka hortagno caqabadahan,” ayuu Pompeo ku yidhi hadal uu u jeediyey machadka daraasaadka siyaasadda midigta ee Hudson Institute.

“Hadda kadib ma aha garowshiyo in la iska indha tiro farqiga aas-aasiga ah ee u dhaxeeya labada hab iyo saameynta, iyo saameynta ay tani ku leedahay amniga qaranka.”

Toddobaadkii tagay, madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa khudbad uu jeediyey ku weeraray diiwaanka xuquuqda aadanaha Shiinaha, ganacsiga iyo xeeladaha ay dawladda Shiinaha adeegsato, si ay u saameyso dunida.

Leave a Reply