Booliiska Oo Xabsiga Dhigay Dameer

0
424

Wargeyska Dailymail ayaa daabacay in dalka Mexico  booliisku xidheen Dameer.Booliiska ayaa sheegay in dameerku uu ka soo  baxsaday ninkii lahaa oo degenaa magaalada Comitan de Dominguez  ee dalkaasi.

 

Markii uu soo fakaday Dameerka ayaa burburiyay badeecado kala duwan oo  aad badan oo dad ganacsato ahi lahaayeen. Wakhtigaasi ayaa booliiska loogu yeedhay  iyagoo isla markiiba qabtay oo ku xidhay qol ka mid ah xabsiga.

Sida Wargeyska Daily Mail qoray Booliiska ayaa cadeeyay in Dameerku xidhnaan doono tan iyo inta laga helaayo qofkii dameerka lahaa si uu u bixiyo magadhowga khasaaraha hantiyeed ee uu geystay. Booliiska degaanka ayaa uu ogolaaday caruurta inay dameerka booqdaan si ay xaaladiisa uga war hayaan.

Leave a Reply