Hooyo U Dabaal Degtay Xadhiga Wiilkeeda

0
496

Wargeyska Metro ee dalka Ingiriiska ayaa qoray dhacdada hooyadan  oo maxkamadda ka soo baxday iyadoo damaashaad ku jirta. Hooyadan oo aad u faraxsanay ayaa sheegtay inay ku farxaday xukunka ku dhacay wiilkeeda, waxa iyana aad cajiib u noqotay in wiilka kale ee ay dhashay oo isna hooyadii la faraxsanaa uu sheegay in xkunka maxkamaddu ku riday  walaalkii uu yahay mid yar oo loo baahnaa inuu intaasi ka badnaado.

Jon-Luc McLoughlin,  oo 26 sano jiray ayay maxkamaddu ku xukuntay 16 bilood oo xadhiga ah, ka dib markii uu garaacay isla markaana uu nafta ka ka jaray Ey yar oo 11 boiood jiray.

 

Xukunka 16 bilood waxa la socda in aan wiilkan inta uu nool yahay aan loo ogolayn inuu dhaqdo xayawaan madaama aanu badbaadin karayn. Waxa iyan jirta in lagu rabo lacag magadhow  ah oo dhan 115 Giniga Ingiriiska ah taasi oo loo xukumay Eyga uu uu dilay.

Go’aankaas waxa soo dhoweeyay  25 xubnood oo ka tirsan dadka u halgama xuquuqda xayawaanka  kuwaasi oo joogay maxkamadda kuna lebisnaa funaanado ay ku soo qoreen waxaan cadaalad u doonaynaa Eyga yar ee Liska  ee la jidh dilay ilaa iyo intii ay naftu ka baxasay .

 

Leave a Reply