Jaaliydda Holand oo si Weyn soo Dhaweysay Drs. Edna Aaden

0
485

Amsterdam (Dawan)- Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Holand Maxamuud Cabdale Digaale iyo Guddoomiyaha Ururka Nomad ayaa si Meeqaamsare ah ugu soo dhaweeyay Magaalada Amsterdam ee dalka Holand Drs. Edna Aaden Ismaciil oo socdaal ku tagtay dalkaas.

Sidoo kale soo dhawayntan Edna Aaden Ismaciil ayaa waxa ka soo qayb galay Jaaliyaddda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Holland waxaana ka mid ahaa Xubnaha Jaaliyadda Cabdikariim Qoorgaab iyo xubno kale oo ka tirsan Jaaliyadda Holland.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Holland Maxamuud Cabdale Digaale iyo Guddoomiyaha Ururka Nomad Cabdiraxmaan Barre ayaa hadallo ka jeediyay soo dhawayntaa loo Sameeyay Edna Aaden, waxaanay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin in ay socdaal ku timaado Edna Aaden dalka Holland, isla Markaana ay farxad u tahay in ay halkaa ku soo dhaweeyaan.

Sidoo kale Edna Aaden Ismaciil ayaa ka qayb gali Doonta Shir Caalamiya oo Maalinta Sabtida ee fooda inagu soo haysa ka qabsoomi doona dalka Holand, waxaana ay kaga hadli doontaa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Horumarka ay ku talaabsatay mudadii ay jirtay Somaliland.

 

Leave a Reply