Waayeelkii Buurta Ahaa!

0
422

Beerwale Mr. Dashrath Manjhi wuxu ku  noolaa tuulooyinka fog ee dalka India ee buuruhu ku xeeran yihiin. Gabadhiisa ayaa dhimatay ka dib markii uu ka raagay gaadhiga gargaarka degdeg waddo xumo awgeed waayo fogaanshaha wadada ayaa ka dhigay isbitaalka mid u jira 70 km.

Dashrath Manjhi wuxu intaasi ka dib dawaldda ka codsaday inay deegaanka wado u samayso, laakiin markii dalabkiisa laga hoos qadi wayay ayuu beerlwahan saboolka ahi faashkiisa iyo majarafadiisa qaatay sanadkii 1959 oo bilaabay inuu wada buurta soo dhex marta ah jeexo si halkaasi dhow u usoo maro gaadiidku.  Wuxu doonayay inuu xal u helo mushkuladda haysta dadka deegaanka, laakiin taasi iyagu umay arag waxayna u arkeen nin waashay ka dib dhimashadii isalaantiisa , iyagoo ku  dheeldheeli jiray.

Waxa uu marba in qodo buurtaba sanadkii 1982 ayaay u suurta gashay inuu jeexo dariiqa buurta. Dariiqan ayaa masaafadii 70 km ahayd ka dhigay 7 km keliya . Odayga oo dhintay sanadkii 2007 waxa taariikhada ugu qoran “ Ninkii Buurta ahaa” . Muu niyad jabin laakiin mushkuladii sanado deegaanka hasatay ayuu xal u helay. Weligaa ha quusan markaad samaynayso waxay dadku u arkaan in aanay suurtagl ahayn waxaad uga dhigan tahay qof waalan, xataa digoo ah kan ugu maskaxda badan.

 

Leave a Reply