Computer Qadiim Ah Oo Lacagtii Ugu Badnay Lagu Kala Iibsaday

0
438

Waxa dhowaan suuqyadda caalamka mid kamid ah lagu kala iibsaday Kombiyuutar weyn oo kamid ah Kombiyuutaradda qadiimka ah ee waqtiyadii hore la isticmaali jiray, kaas oo  ay samaysay shirkadda Apple  Macintosh ,waxaana toddobaadkan la kala siistay lacag aad u badan.

Kombiyuutarkan oo la sameeyey sannadkii 1983-kii ayaa ahaa noocyadii lahaa Floppy Desk-ga, waxaana lagu kala iibsaday magaaladda New York 4 December , iyada oo la kala siistay £ 155,000, waxaana Computer-kan la sameeyey ka hor intii aanu shirkadda la wareegin Steve Jobs , iyada oo uu sameeyey ninkii lagu magacaabi jiray Jeff Raskin.

Cenjeladda lagu isticmaali jiray, macluumaadkana lagaga qaadi jiray ayaa ahayd 5.25 Inch, iyada oo markii dambe laga dhigay 3.5 Inch , kadib markii la sameeyey cenjelada lagu magacaabi jiray Floppy Desk-ga,taas oo ka awood badnayd cenjeladaasi hore waqtigaasi, kana qaad badnayd marka loo eego macluumaadka ay qaadi jirtay.

Nooca Kombiyuutarkan ayaa la bedelay markii uu shirkadda qabsaday ninka lagu magacaabo Steve Jobs, iyada oo lagu bedelay noocyo cusbaa oo waqtigaais la sameeyey, laakiin ilaa hadda meelaha qaarkood ayaa laga isticmaalaa Computers-kan oo la casriyeeyey.

“ waa mid muhiim ah Kombiyuutarkani, waxaanu ahaa mid marxalado badan oo kala duwan adduunka kala soo dabaashay, gaar ahaana shirakddaha “, ayuu yidhi Mr Adam Stackhouse oo ah khabiir dhinaca kombiyuutaradda ah .

Computer-kan oo muddo kooban yaalley suuqyadda caalamiga ah ee wax kala iibsiga ayay iibkiisa u tartameen shirkaddo kala duwani, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Maily oo uu wargeyska Dawan qormadan kasoo xitay , waxaanu noqonayaa Kombiyuutarkani  PC-gii ugu horeeyey ee lagu isticmaalo Mouse-ka gacanta lagu qabto , sidoo kalena waxa lagu isticmaali jiray Sawiradda hagaajintooda iyo qoraalkaba.

Shirkadda Apple oo hore loogu yaqaanay Macintosh ayaa iibisay sannadkii 1984-kii Computers gaadhaaya 70,000 oo Computer, inkasta oo markii dambe qaarkood la xayiray.

Leave a Reply