Shirkadda Huwaawi Oo Soo Saartay Taleefan Cusub

0
619

Shirkadda Huwaawi ayaa soo saartay taleefanka lagu magacaabo Huwaawi Nova 5T , taleefankan ayaa ah mid midabkiisa aad loo qurxiyey, waxaana xaga dambe lagaga sameeyey muraayad aad u qurux badan oo lagu dahaadhay quraarad kale oo iyaduna Alamuniyaam ah, taas oo ka ilaalinaysa in uu si fudud u jabo, waxaanu culayskiisu dhan yahay taleefankan 174 Garaam.

Muraayaddiisa hore ayaa ah muraayad aad u balaadhan , taas oo nooceedu yahay IPS /LCD, taas oo cabirkeedu yahay 2.5 Pixel, iyada oo taleefankan loo sameeyey Kamarado aad u badan, waxaanay ku kala duwan yihiin kamaradahani masaafooyinka ay wax ka sawirayaan oo aad u kala duwan, waxaana ugu dhow Kamarada xaga hore lagu sameeyey oo wax ka sawiraysa meel aad uga dhowa kuwa kale.

Taleefankan waxa sidoo kale ku jira Memory aad u weyn oo 8 GB oo laba jibaaran ah, sidoo kalena qaadi kara macluumaad aad u badan .

Sidoo kale taleefankani waxa uu lee yahay qayb dhinaca kaga taalla oo laga bakhtiin karo , lagana shidi karo , iyada oo farta ama Suulka la adeegsanaayo, waana marka shaashada la xidho, waxaanu fahmayaa , furina kara qofka taleefankaas leh oo keliyaata.

Sida taleefanada kale ee shirkadda Hawaawi hore usoo saartay , taleefankan lagu isticmaali karaa waxyaalo kala duwan, waxa sidoo kale si fudud loogu ciyaari karaa Ciyaaraha Games-ka loo yaqaano oo si waadig ah loogu ciyaari karo , iyada oo aanu wax shucaac ahi ku jirin muqaalka ciyaarahaas.

Taleefankan ayaa talefanada kale kaga duwan dhinaca laga furaayo marka uu Lock-ga isku rogo ama is xidho, halka ay taleefanada kale ku lee yihiin qaybtan xaga dambe ee taleefankaasi, waxa kale oo jira qayb uu aqoonsan karo Wejiga qofka, laakiin waxa ka amaansan sida khubarrada shirkaddu sheegeen qaybta taabashada ee dhinaca.

Taleefankan ayaa leh 4 Kamaradood oo xaga dambe kaga yaalla , kuwaas oo ta ugu saraysaa ay tahay 48 mega Pixel , taas oo meel fog wax ka sawiri karta, Kamarada labaad ayaa iyaduna ah 18 Mega Pixel , taas oo masaafo dhex dhexaad ah wax ka sawiri karta, halka ay kamarada Saddexaad oo intanba ka cabir  yari ay wax ka sawiri karto meel ka dhow meelaha ay labada hore wax ka sawirayaan.

Kamarada Afraad ayaa ah 2.5 Mega Pixel, waxaana wax ka sawiri kartaa Masaafo dhex dhexaad ah , iyada oo kala mid ah sawirka ay qaadayso kamaradaha kale ee taleefanada kale, meelo kala duwan ayaanay wax ka sawiri kartaa, waxa ay sidoo kale lee dahay qayb soo dhoweyso ah oo si fudud usoo dhoweyn karta waxyaalaha lagu sawiraayo, sidoo kalena sawiradeeda ayaa ah kuwo nadiif ah oo kuwo qurxo badan soo baxaaya.

Dhinaca duubista Muqaaladda ayaa Mobile-kani yahay mid si qurux badan wax u duubaaya, waxaanu wax ku duubayaa nidaamka 4K-da kamarada loo yaqaano, waxaanu muqaaladda lagu duubay noqdeen kuwii ugu quruxda badnaa ee la duubo,iyada oo si fudud loo soo dhoweyn karo waxa la duubaayo ,loona fogayn karo.

Baytariga Mobile-kan ayaa qaadi kara Dab dhan 3000 oo Mili Ambeer oo u dhiganta 25 Watt, waxaanu dabkani hayn karaa muddo dheer, waxaanu taleefankani ka kooban yahay laba Midab oo mid Madow yahay, halka uu ka kalena Buluug xisaabsan yahay, waxaanu taleefankani qaban karaa shaqooyin ay Kamaradaha wax lagu duubaa qabtaan,iyada oo uu taleefankani suuqyada kusoo geli doono dhowaan lacag dhan $400 oo Dollar-ka Maraykanka ah.

Leave a Reply