Waalidka Iyo Kalgacalka Ubadka

0
534

Gabadh yar iyo aabaheed ayaa ka talaabayay goob biriish ah , aabaha ayaa u baqday gabdhiisa yari inay ka dhacdo biriishka cidhiidhiga ah. Waxaana uu ku yidhi inantiisa yar “ Aabo u qabso gacantayda si adag si aanad ugu dhicin webiga”. Gabadhii yarayd ayaa ugu jawaabtay Aabo maya, adigu qabo gacantayda”.

Aabaha ayaa si yaab leh u eegay inantiisa yar oo ku yidhi “  Aabo Maxaa u dhexeeya ee farqi ah?” “. Si degdeg ayaya ugu jawaabtay   waxaana ay ku tidhi “ Aabo haddii aan anigu qabsado waxa laga yaaba inaan u adkaysan waayo oo aan sii daayo, laakiin adigu marna ima sii daynaysid si kasta oo aad u dareento cidhiidhi” . Xikmaduna waa in gacantaad aad u dhiibto kuwo aad ku jecel. Waxaana ay muujinaysaa in waalidku yahay mid u naxariis badan ubadkiisa, Waana in ubadkuna sidaasi oo kale ugu naxariistaan waalidka.

Leave a Reply