Caqliga Dadkii Hore Iyo Kuw Danbe !

0
819

Daraasad la soo saaray ayaa muujinaysa in caqliga aadamigu uu xajmigiisu ka yar yahay kuwii dadkii hore. Waxa kale oo ay daraasaddu cadaysay in 20 kun oo sano uu maanka ninku hoos u dhacay qiyaas dhan 1500- 1350 cm. Sidaa si la mid ahna uu  kan dumarku isna hoos ugu dhacay. Laakiin daraasada ayaa intaasi ku dartay in inkasta oo xajmigu is bedelay haddana uu u shaqaynayo una fekerayo si wanaagsan oo aan waxba ka duwanayn marka uu qaabkiisu weynaa.  Daraasaadda ayaa intaasi ku dartay in arintani cadaynayso in aadamiga ay ku sii kordhayso nacasnimadu madaama uu yaraanayo maanka firkikiisu.

Koox culimo Maraykan ah ayaa  iyana sheegay in ilmaha ku jira uurka hooyadu uu maqli karayo heesaha iyo hadalada kale ee ay ku hadlayaan waalidiintiisu. Daraasadda ayaa intaasi ku dartay in wejiga ilmaha uurku is bedelo marka uu debeda ka maqlo wax farax geliya. Waxayna sheegeen in ilmaha yari uu mararka qaarkood  u muuqdo inuu sacabka tumayo farxad darteed isagoo caloosha hooyadii ku jira. Waxa kale oo ay cadeeyeen in Ilmaha Uurka ku jiraa yaqaano hadalada dadka inta badan hooyadii la jooga sida aabihii iyo walaalihii. Taasina waa tan keenta in marka uu dhasho uu si fudud ula qabsado oo aanu ka baqan, xataa hadii midkood uu dalka ka tago isagoo uurka maalmihii ugu danbeeyay ku jira.

Markaa uu soo noqdo 6 bilood ka dib, Ilmaha yari isagoo dadka cusub ka wada baqaya, haddan waalidka ama walaalka yimi si fudud ayuu ugu tegayaa. Waxayna noqotay maxa u dhexeeya dadkana aanu weligii arag ee uu qaarkood ka baqayo, kuwana si fudud ugu tegayo?

Culimada ayaa arinkaasi ku sheegay inuu garanayo codkiisa madaama uu hore u hayay markii uu Uurka hooyadii ku jiray.

Leave a Reply