Badhasaabka Sool oo Soo Dhaweeyay Garaad Kulmiye Garaad Wiil-waal

0
834

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa shalay magaaladda Laascaanood ku soo dhaweeyay wefti balaadhan oo madax dhaqameed ah oo uu hogaaminayay garaad Kulmiye garaad Dool garaad Wiil-waal.

Weftigaasi madax dhaqameedka ah oo ka soo kicitimay dhinaca dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa isugu jiray Isimo, cuqaal iyo waxgarad. Kuwaasoo maalmahan ku sugnaa magaaladda Hargaysa ka hor inta aanay Sool u bixin.

Ujeedadda socdaalka weftigan madax dhaqameedka ah ayaa la xidhiidha dhammaystirka hishiiskii laba beelood ee walaalaha ah oo wada degan gobolka Sool,

Waftiga Garaadka ayaa sidoo kele la kulmay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo ka mid ah madaxda dhaqanka gobolka Sool ayaa intaysan halkan soo gaadhin soo maray caasimmadda Hargaysa.

Odayaasha iyo waxgaradka labada belood oo ay la kulmay Garaad Kulmiye garaad Dool ayaa si wada jira ugu sheegay inay ka wada go’an tahay dhammaystirka iyo ilaalinta ammaanka iyo wada jirka.

Soo dhawayn ka dib ka ayaa badhasaabka gobolka Sool oo uu wehelinayay ku-xigeenkiisu waxay kulan la qaateen Garaadka iyo xubnaha uu hoggaaminayo ee dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ka yimid.

Waxaanu badhasaabku uga mahad cellinay kaalinta ay ka qateen nabadaynta beelaha walaalaha ah, waxaanu hoosta ka xariiqnay in ka maamul gobol ahaan iyo xukuummadda Somaliland ba sidii awalba doorkeeda nabadda uga qaadan jirtay ay weli ugu taagan tahay.

Sidoo kale waxaa halkaas hadalo mahad naq ah ka jeediyay xubnihii madax dhaqameedka ahaa oo badhasaabka uga mahad celiyay soo dhawaynta diiran ee uu ku qaabilay.

 

Leave a Reply