Madaxweyne Muuse oo Qaabilay Danjiraha Denmark u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

0
476

“Kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga mashaariicda horumarinta ee ay Somaliland ka hesho Denmark”…

 

 

Hargaysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminayay danjiraha dawladda Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ambassador Mette Knudsen.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland oo warbaahinta lagu shaaciyay oo uu ku saxeexnaa af-hayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac.

Waxaana la sheegay in kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga mashaariicda horumarinta ee ay Somaliland ka hesho dawladda Denmark.

Sidoo kale waxaa kulankaasi lagu soo qaaday nabadgeliyada mandaqada Geeska Afrika sidii loo adkayn lahaa, looga-na wada socon lahaa.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu manta (shalay) xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ambassador Mette Knudsen, oo ay wehelinayso ku-xigeenkiisa Mrs. Nina Berg.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga mashaariicda horumarinta ee ay Somaliland ka hesho sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF), oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay.

Sidii loo dar-dar gelin lahaa kor-na loogu qaadi lahaa sannadkan cusub ee 2020-ka. Sidoo kale waxaa kulankaasi lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Ugu danbayntii-na waxaa kulankaasi lagu soo qaaday nabadgeliyada mandaqada Geeska Afrika sidii loo adkayn lahaa, looga-na wada socon lahaa.

Waxaana Madaxweynaha Kulanka ku wehelinayay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed”.

 

Leave a Reply