Wasiirka Isgaadhsiinta oo Caddeeyay Xadhiga Cable-ka Internatka ee Jabuuti Laga Furay in Aan Somaliland la Keenayn

0
775

“Ka Dawlad ahaan waxaanu wadnaa qorshe lagu midaynayo Ganacsatada iyo Dawladda oo dalka lagu keeno Kaybil Qaran oo dalku yeesho.”

 

 

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, ayaa caddeeyay in aan Somaliland la keenayn Xadhiga Cable ka Internat-ka ee Djabuti lagu daah furay.

Waxaa kale oo uu wasirku intaa ku daray in Somaliland marka ay shirkaddi wax keenayso in ay ku keeni karto oo keliya heshiis ay xukuumadda Somaliland la gashay iyo ruqsad ay dawladdu siisay.

Waxaa kale oo uu sheegay in Somaliland illaa hadda shirkadda keliya ee xadhkaha isgaadhsiinta, hadday kuwa badda tahay iyo hadday tahay kuwa dhulka la mariyaba ay tahay shirkadda Somcable oo xukuumaddu heshiis la gashay, isla markaana xeer goleyaasha qaranku ansixiyeen lagu meel mariyay.

Wasiirka oo waraysi kooban khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay halka Xukuumaddu ka taagan tahay kaybilka dhanka Internetka ee dalka Jabuuti laga furay oo la sheegay in meelaha la keenayo ay Berbera ka mid tahay, ayaa yidhi. “Xadhigaas Jabuuti ayaa leh waana xidhig gobolka loogu talo galay, marka Somaliland ahaan illaa imika wax xidhiidha inalama laha, wey jirtaa shirkad waddaniya oo wax ku leh, oo ah Somtel, waxaana jiray heshiis ay wasaaraddu hore ula gashay shirkadda Somcable oo shan iyo labaatan sano ah, markii danbena Baarlamanku xeerka ku daray oo la ansixiyey, ilaa imikana cidda kaliya ee xadhig keeni karta waa shirkadda Somcable.

Wasaarad ahaan annagu waxaanu wadnaa dedaal aanu dooneyno in aanu ku mideyno xadhkaha ama ha noqoto xadhiga Badda hoos maraya ee Some Marine-ka la yidhaahdo ama ha noqoto xadhiga dhulka loo qodo, kaasi oo aanu rabno in aanu ku mideyno dawladda iyo shirkaddaha isgaadhsiinta, taasina waxay u bahan tahay dhaqaale badan oo shirkad iyo laba toona ma xamili karaan markaa waxaa uu yahay qorsha higsiga Xukuumaddu in la helo kaybil qaran oo dalku wada leeyahay oo ay ku midaysan yihiin Xukuumadda iyo ganacsatadu waanan bilawnay qorshahaas oo ganacsatadana waan ka wada hadalnay.”

Wasiirka oo ka hadlayay illaa hadda cidda ruqsad u haysata in ay Somaliland keento kaybilada isgaadhsiinta Internet-ka,ayaa yidhi. “Cidda kaliya ee maanta wax keeni karta ee ruqsad u heysataa waa shirkadda Somcable,”

Waxaanu intaa raaciyay isagoo ka hadlayay xadhiga Jabuuti laga furay. “xadhigaas dheerina waxaa uu ka mid yahay xadhkaha Badda mara, Badduna waa laba qaybood oo qaybna innaga(Somaliland) ayaa leh qaybina waa Caalami (International) oo umadda oo dhan ayuu ka dhaxeeyaa, tobannaan xadhig ayaa inna hormara kuwaas ayuunbuu ka mid noqonayaa, marka xadhigaasi wax xidhiidha oo uu Somaliland la leeyahay ma jiro illaa imika oo aynu joogno”

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in ay markasta ku dhaqmayaan shuruucda dalka wixii aan sharci ahaynina ay ka reebban yihiin Somaliland isla markaana shirkadaha dalka maal gashanayaa ay wax ku keeni karaan oo keliya marka ay ruqsad ka helaan xukuumadda.”Somaliland waa dal ku dhaqma shuruucda u dejisan iyo xeerarka ka so baxa goleyaasha qaranka ka wasaarad ahaanna waxaanu illaa hadda ku dhaqmaynaa waa heshiiskii Somceble xukuumaddu la gashay iyo xeerka dhaqan galka ah ee golaha wakiiladdu uu ansixiyay, dalka Somaliland-na waxay shiraddii maalgashaysaa ay wax ku keeni kartaa waa marka ay hesho ruqsad Xukuumaddu ugu ogolaatay, laakiin waxa keliya ee aan illaa hadda ognahay waa in xadhigaas laga leeyahay dalka Jabuuti isla markaana ay heshiis kula jiraan Soomaaliya markaa Soomaaliya ayuu u socdaa ee Somaliland wax la keenayo maaha dawladduna xuduudaheeda way illaashanaysa.”ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi.

 

Leave a Reply