Khubarro Ruush Ah Oo Soo Bandhigay Hab Hoos Loogu Dhigi Karo Xanuunka Maskaxda Ku Dhaca Ee Alzheimers-ka

0
586

Khubarrada Caafimaadka ee Wakaaladda Cuntada Ruushka  ayaa daraasad ay muddooyinkii ugu dambeeyey wadeen kasoo saaray natiijo hordhac ah, waxaanay daraasaddani ku saabsanayd cuntada iyo xanuunka maskaxda ku dhaca, sidoo kalena keena Ilawga ee Alzheimers-ka loo yaqaano.

Khubarradan oo Natiijadaasi hordhaca ah ee ay soo saareen ku daabacay wakaaladda wararka ee TASS oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa ku sheegay qoraalkoodan kooban in aanay cuntadu wax saamayn ah ku lahayn Xanuunkaasi iyo in uu qofka haleelo, waxaanay cadeeyeen in ay waxyaalo kale sababaan xanuunkan, waxaanay raaciyeen talooyin ku aadan sidii loo yarayn lahaa xanuunkaasi.

Khubarradan ayaa sheegay in ay ogaadeen intii ay daraasadan wadeen in uu jiro nidaam aad u fudud oo lagu yarayn karo Xanuunkan, kaas oo ah in qofku sameeyo Jimicsi joogto ah , iyaga oo tilmaamay in jimicsigaasi uu 50% yarayn karo Xanuunkaasi .

Jimicsiga ayay ku tilmaameen mid  ka shaqaysiinaaya qaybaha kala duwan ee Maskaxda, sidoo kalena dib usoo kicinaaya unugyada maskaxda ee Hawlgabka noqda, sababtana u noqda in uu xanuunkaasi ku dhaco maskaxda qofka oo xusuusta ilawsiiyo , waxa kale oo ay ku tilmaameen Jimicsiga mid meesha ka saara unugyada maskaxda ee dhinta , isaga oo isla markiiba u fududeeya maskaxda in ay samaysato unugyo cusub .

Waxa kale oo ay Khubarradani daraasaddooda ku cadeeyeen in xanuunkan lagu yarayn karo hab kale oo ah in la bedelo hab nololeedka uu qofku u nool yahay, madaama oo uu hab nololeedka qofku qayb weyn ka qaato  caafimaadka qofka.

Dadka waaweyn ee da’doodu tahay 65 sanno ayay usoo jeediyeen khubarradani in ay Jimicsan karaan 150 Daqiiqo toddobaadkiiba , madaama oo aanay da’ahaan maalin walba jimicsan Karin , waxa kale oo ay tilmaameen in qofka ka weyn 65 uu jimicsan karo 75 Minute toddobaadkii , isaga oo qolkiisa fadhiga ama hurdada ku jimicsan kara in ka yar 10 minute.

Jimicsiga ayaa faa’iidooyin kale u leh qofka , waxaana lagu tilmaamaa mid qofka ka dhiga mid degan , sidoo kalena waxa uu fursad ahaan siiyaa in uu qofkaasi hore u seexdo  xiliga jimicsiga ka dib.

Tirakoob ay samaysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO  ayaa lagu sheegay in 50 Milyan oo qof oo adduunka ku nooli in ay la nool yihiin  xanuunka Alzheimers-ka oo ah xanuun maskaxda ku dhaca, kuna keena qofka Ilawshiiyo.

Leave a Reply