Shirkadda Bitkooyn Oo Lacagteedii Kusoo Dartay Qaybo Lagu Bixinaayo Laydhka .

0
474

Qaybo kamid ah wadamada Yurub ayay dhowaan shirkadda Bitkooyn gaadhsiisay adeegeeda lacageed ee Dhijitaalka ah, waxaana kamid ah wadamada ay gaadhsiisay wadanka Sweden, iyada oo laga cawday warshadaha lacagta soo saara oo la sheegay in ay hawada sannadkii kusii daayaan 35 Tan oo Carbon ah,waxaana inta  ugu badan sii daaya warshadaha lacagta ee wadanka Denmark .

Sida lagu sheegay daraasad ay samaysay jaamacadda Munich ee wadanka Jarmalka, waxa ay warshadaha Sameeya lacagta ee caalamku saamaynta ugu badan ku yeelan doonaan wasakhowga Hawada labada sanno ee soo socda, iyada oo uu kor u kici doono heer kulka dhulku, waxanu  halka ugu saraysa gaadhi doonaa siday khubarradani sheegayaan sannadka 2033-ka.

Waqtiyada qaar waxa dhici karta in uu xumaado ama cadilmo waxyaalaha qalabka ah ee ay shirkadda Bitkooyt isticmaalayso, taas oo iyada lafteeda dhibaato ku ah , macaamiisheedana dhibaato ku ah, waxaanay fududayn kartaa in la dhaco shirkaddahaasi akoonadooda qaybo kamid ah, sidoo kale Internet-ka ayaa khatar ku ah shaqada shirkaddan.

Shirkadda ayaa kusoo dartay maalgashigeeda qaybo cusub oo u kamid yahay Laydhku, iyada oo isticmaalaysa Solarta nuugta falaadhaha cad ceeda ee dabka ka dhalisa iyo qalabyada Hawada dabka ka dhaliya, waxaanay waqtigan mashaariic noocaas ah ka hirgelisay wadamada caalamka qaar kamid ah oo kala duwan.

Hawada xoogan ee meelaha qaarkood ka dhacaysa ayaa ah ta u sahashey in ay dab ka dhaliso laydha , waxaana laydhkaasi inta badan ay dadku iskaga bixiyaan lacagta Shirkaddan ee Electronics-ka ah,.

Shirkadda Bitkooyn ayaa ku guulaysatay in ay 75% ay la wareegto xisaabaadka shirkaddaha waaweyn qaybo badan oo kamid ah iyo shirkaddo laydh oo wadamo waaweyni ay lee yihiin,iyada oo shaqadeediina kordhisay , siday masuuliyiinta shirkaddu sheegeen.

Khubarrada shirkaddan ayaa u jihaystay dhinac cusub, iyada oo lagu soo daray awooda Dab ee ay shirkaddani Shiddo ama dhaliso, iyada oo u raacaysa hab saaxiibnimo iyo nadiifnimo kusoo kordhinaaya Degaanka.

Meelaha ay shirkaddani ku fiday Sannadkii ina dhaafay ee 2019-kii waxa kamid ah, Wadamada Qawqaas, Iskandanifiyeenka wadamada laysku yidhaahdo, Galbeedka Badweynta Hindiya wadamada Dhaca qaarkood, Bariga Kanada iyo Koonfur Galbeed wadanka Shiinaha.

Dalka Shiinaha ayaa loo soo qaataa wadamada 60% laydhkooda ka dhaliya Dhuxul dhagaxda, iyada oo waqtigana kamid noqotay dawladdaha ugu waaweyn ee ay shirkaddan Bitkooyn ka shaqayso, waxaanay ka hirgelisay barnaamij Laydh lagaga dhalinaayo tamaraha kala duwan ee wadankaasi.

Wadanka Finisweela waxa isna kor u kacay Suuqa shirkadda Bitkooyn, iyada oo ay ka hirgelisay meelo laga helo Laydhka ama Korotada oo ay dadka siiso,

Shirkaddan ayaa ku talaabsatay horumar weyn iyo guul la taaban karo,isbedelo waaweyn iyo raadaynta wax kasta, waxaanay khubarrada Dhaqaaluhu tilmaameen in ay noqon doonto Shirkaddani mid lagu dagaalamo mustaqbalka, iyada oo loo eegaayo dhinacyada kala duwan ee ay ka shaqayso, waxaanay dedaal ugu jirtaa sidii aanu khasaare uga soo gaadhi lahayn faa’iidooyinka maaliyadeed ee ay hesho.

 

Leave a Reply