Midowga Afrika oo 12 Maalmood u Qabtay dawlada Koonfurta Sudan iyo Mucaaradkeeda

0
532

Qore Maxamuud Walaaleeye

Addis Ababa- (Dawan):-Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa ugu baaqay dowlada Koonfurta Sudan iyo Mucaaradka inay muddo 12 maalmood gudahood ah go’aan kaga gaadhaan heshiiska dib loo cusbooneysiiyay, isla markaana sameystaan ​​dowlad midnimo.

Shir jaraa’id oo shalay, Wakiilka Golaha Nabadda iyo Amniga Danjire Smail Chergui qabtay ayuu ku sheegay in go’aankani yahay mid muhiimad weyn u leh Midowga Afrika maaddaama dhinacyada Koonfurta Suudaan loo qabtay 12 maalmood, si loo soo dhiso dowlad ku-meel-gaadh ah.

Hogaamiyaasha iyo daneeyayaasha xasiloonida Koonfur Sudan ayaa ogolaaday maalmo dheeri ah si loo soo dhiso dowlad kumeel gaadh ah kadib muddadii ugu dambeysay ee hogaamiyaasha geedi socodka nabada loo qorsheeyey.

“Sidaad ogtihiin, tani waa arin aad u muhiim ah maadaama aan go’aansanay in dhinacyadu muddo 12 maalmood gudahood ku soo dhistaan dowlad kumeelgaadh ah Koonfur Sudan,” ayuu yidhi.

Midowga Afrika wuxuu taageerayaa wadahadalada socda ee Koonfurta Sudan si loo helo heshiis nabadeed oo lala gaadho dhamaan kooxaha hubaysan, ayuu yidhi Chergui.

“Annaga oo ah Midowga Afrika, waxaan ku rajo weynahay in aan helno dowlad ku-meel-gaadh ah 12-ka maalmood ee hadhsan” ayuu yidhi, isagoo raaciyey, inaan muddada loo qabtay aan loogu sii kordhin karin waqti dheeri ah dhinacyada Koonfurta Suudaan.

Mar labaad kuma noqon doonno dib u dhac kale oo howshan ku saabsan. Dib-u-dhac kasta oo dheeri ah wuxuu yeelan doonaa khatarta ah inuu Koonfur Sudan ku dhex dhacdo xaalad colaad iyo rabshado ah, ”ayuu raaciyey.

 

 

Leave a Reply