Xildhibaan Bidhi Oo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisa Ku Bogaadiyay Waxqabadka Ay Dalka Ka Hirgelisay

0
571

Qore Khadar Cabdi Muuse

Burco (Dawan): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku bogaadiyay waxqabadka muuqda ee uu dalka ka hirgeliyay mudadda uu xilka hayay.

Waxaanu xildhibaan Bidhi, si weyn u soo dhaweeyay buugga waxqabadka xukuumadda talladda haysa ee Somaliland oo ay wasaaradda warfaafintu ku qaybisay magaaladda Burco.

Xildhibaan Bidhi, oo shalay warbaahinta kula hadlay Burco, ayaa madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisaba ku amaanay waxqabadka muuqda ee ay guud ahaanba dalka jamhuuriyadda Somaliland ka hirgelisay gaar ahaana gobolka Togdheer.

Waxaanu yidhi, “Buugga lagu soo koobay waxqabadka xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ee uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo laba sanno jirsatay guud ahaanba dalkoo dhan wixii laga qabtay, ee mashaariic ah dhan walba”.

“Marka hore madaxweynaha iyo xukuumadiisaba waan ku bogaadinayaa, waanan uga mahad naqaynaa wax kastoo uu qabtay. Haddii ay tahay gobolka Togdheer iyo haddii ay tahay guud ahaanba dalkoo dhan.

Si gaara madaxweynaha waxaan ugaga mahad naqaynaa mashaariicda uu ka qabtay gobolkan Togdheer, oo ay ka mid yihiin dhamaystirka Jeelka weyn ee Burco, dib-u-dhiska garoonka Kubbadda cagta Alamsey ee magaaladda Burco.

 

Dayactirka iyo dib-u-dhiska Biriijyadda Burco, mashaariicda dhinaca beeraha, cusbitaalka guud ee Burco, iyo mashaariicda kale ee uu ka qabtay gobolkan Togdheer, waan uga mahad naqaynaa madaxweynaha”ayuu yidhi Bidhi.

Sidoo kale xildhibaan Mubaarig Yuusuf Bidhi, waxa uu ku baaqay in mashaariicdii la qorsheeyay in laga fuliyo gobolka Togdheer ee aan hirgelin in la fuliyo sanadkan 2020-ka, mashaariicdaasi oo uu ka mid yahay dhismaha xarunta Darbi-jiifka Burco.

Waxaanu yidhi, “Mashaariicdii naga baaqday sanadkii hore naga baaqday, oo ay ka mid tahay xarunta Darbi-jiifka Burco, oo dawladda hoose ee Burco ay bixisay dhulkii laga dhisi lahaa, oo aanu filaynay in la dhiso sanadkii tegay. Waxaanu rejaynaynaa madaxweyne in sanadkan 2020-ka mashaariicda la fulin doono uu ku jiro”.

Geesta kale xildhibaan Bidhi, waxa uu madaxweynaha ku bogaadiyay safarkii uu Sabtidii todobaadkan ku tegay dalka Itoobiya, safarkaasi oo uu sheegay mid guul weyn u soo hooyay qaranka Somaliland.

Marka la eego qaabkii loo soo dhaweeyay iyo sidii loo qaabilay. “Waxaan doonayaa madaxweyne in aan halkan kaaga bogaadiyo safarka aad ku tagtay dalka Itoobiya. Waa safar guul u keenay qaranka, qaabka laguu soo dhaweeyay iyo sida laguu qaabilay.

Runtii qaranka iyo shacabka Somaliland-ba waxay u tahay guul. Guushaana adigaa keenay, waanan kugu bogaadinayaa”ayuu yidhi xildhibaan Mubaarig Yuusuf Bidhi.

Dhinaca kale xildhibaan Mubaarig Bidhi, ayaa madaxweynaha Somaliland ka codsaday in la dhiso garoonka diyaaradaha Burco sidii uu balan qaaday xiligii ol’olihii doorashaddda.

Waxaanu tilmaamay in guud ahaanba bulshadda ku nool goboladda Bariga Somaliland ay baahi weyn u qabaan madaarkaasi, isla markaana dhawaan wasiirka jidadka iyo gaadiidku sheegay in lacagtii lagu dhisi lahaa ay diyaar tahay.

Waxaanu yidhi, “Madaxweyne garoonkii diyaaradaha magaaladda Burco, oo aad booqatay xiligii ol’olaha doorashadda, oo aad balan qaaday in uu qorshaha kuugu jiro, oo la dhisi doono. Wasiirkuna uu sheegay in uu qorshaha sanadkan 2020-ka ugu jiro in la dhiso, oo 5 milyan oo lacag ah loo hayo.

Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa garoonka diyaaradaha Burco, oo goboladda Bariga oo dhan ay isticmaalayaan, oo dalkoo dhami u baahan yahay, oo haddii ka Hargaysa ay ciladi ku timaado la isticmaali karo.

Madaxweyne madaarkaasi dhismihiisa noo soo dedeji, ooh ala bilaabo. Baahi weyn ayay u qabaan shacabka Togdheer iyo guud ahaanba goboladda Barigu”ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Leave a Reply