Shaqaalaha Xafiiska Hantidhawrka Guud oo La Tayaynayo

0
405

Qore Khadar M. Dhako.

Hargaysa(Dawan):- Hanti dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yusuf Dirir ayaa sheegay in ay wadaan sidii loo tayayn lahaa Shaqaalaha Xafiiska Hantidhawraha Guud ee Qaranka si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee ay dalka u hayaan.

Axmed Yusuf Dirir oo hadal ka jeediyay Tababarkii Shanaad oo loo furay Shaqaalaha Hantidhawrka Guud ee Qaranka, iftiimiyay ujeedooyinka laga leeyahay tababarka loo qabanayo shaqaalaha taasoo ah sidii shaqo tayo leh ay u qaban lahaayeen shaqaaluhu,isla markaana ay usoo bixi lahayd natiijo tayo leh.

Axmed Yusuf Dirir oo furitaankii tababarkaas hadal ka jeediyay,ayaa yidhi. “Waxa farxad noo ah in aynu ku jirno Tababarkii Shanaad ee aynu u qaadanayno sidii tayada Hantidhawrka guud ee Qaranka kor loogu qaadi lahaa,muhiiimadaTababarradan laga leeyahay waxa weeye marka la helo Shaqaale tayo leh oo ku shaqaynaya shaqo tayo leh,ayaa waxa soo baxaya natiijo tayo leh,oo wax u taraysa Qaranka aynu u Adeegayno ta aynu uga faa,iidaysanayno waxaanu ka mid yahay Tababaradani waxa lagaga hadlayaa saddexda tiir ee ugu muhiimsan ee Hantidhawrku ku taaganyahay madaama Sharcigii sidii loo waafajin lahaa ku Waajahanyahay waana ku ugu mihiimsan ee saldhiga u ah sababta aynu ugu qabanay Tababarkan xafiiska Hantidhawrka guud waa sidaa,”.

 

 

 

Leave a Reply