Maxay Ka Ogaayeen Khubarada Caafimaadka Maraykanka Korono-Fayras Ka Hor Dilaacidiisa!

0
852

Khubaro caafimaad oo caan ah oo dalka Maraykanka ah ayaa saadaaliyay in viruska Coruna uu dilayo tobanaan milyan oo dad ah seddex bilood ka hor inta aanu ka dillaacin xanuunkani dalka Shiinaha. Aljaasiira oo warkan  daabcaday ayaa sheegtay in qoraalkaasi lagu baahiyay wargeyska “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska  (27 January 2020).

Saynisyahanadan oo jooga Xarunta “Johns Hopkins” ee loogu tala galay Nabadaynta Caafimaadka ee dalkaasi, ayaa tijaabooyin iyo saadaal ku samaynayay Computerada.  Saadaasha ayaa muujisay in masiibada cudurkani uu galaafan doono dad gaadhaya 65 milyan oo qof, iyadoo faafitaankiisuna uu socon doono muddo 18 bilood ah.

Dr. Eric Toner, oo ah cilmi-baadhe sare oo xarunta “Johns Hopkins” ka tirsan, ayaa sheegay in aanu la yaabin markii uu soo baxay faafitaanka cudurka fayraska Corona ee Wuhan dhammaadkii bishii Disembar.  Mala awaalka kumbuyuutarka ee Dr. Toner ayaa muujisay lix bilood ka dib ku dhawaad waddan kasta oo adduunka ah uu ku dhici karo kiisaska fayraska Corona.

Xanuunka cusub ee Corona Virus waxaa oo hadda loo yaqaan InCove 2019 (2019nCoV) waxa uu ku dhacaa hab dhiska neefsashada, waxaana uu leeyahay xumad xoogan.  ( Aljasiira.Net)

 

 

 

Leave a Reply