Beeraha Yar-yar Ee Guryaha Oo Laga heli Karo Khudrad Ku Filan Qoyska

0
71

Barnaamikeena waxaan ku soo qaadan doonaa khudrada cagaaran, gaar ahaan beeraha yar-yar iyo waxtarka midhaha ka soo go’a. Dalagyada la beeraa way kala duwan yihiin, kudrada cagaarani waxay kamid tahay waxyaabaha ay beertaan beeralayda dalkeenu taas oo ay galiyaan tacab aad u badan si looga maarmo khudradaha inooga yimaada wadamada kale.

Inta badan dadeenu ma aaminsana ama maba isticmaalaan beeraha ya-yar ee lagu beerto guryaha, taas oo ay isticmaalaan dadka ku nool wadamada horu maray. Hadaba si aanu arrintaasi uga helo xog waxaanu barnaamijkan oo ah mid todobaadle ah waxaanu arrimahaa ka xog-waramay Cabdilaahi Xasan Samaale oo ka mida aqoonyahanada aqoonta durugsan u leh culuumta beeraha, waxaanaanu ugu horayn wax ka waydiinay noocyada kala duwan ee ay u kala baxaan khudrada cagaaran isagoo sharaxaad ka bixinayana waxa uu yidhi “Culuumta beeruhu aad bay u balaadhan tahay laakiin waxaan doonayaa in aan kaaga waramo qaybtan aad wax iga waydiisay ee khudrada cagaaran,  khudrada  cagaarani waxay u kal baxdaa laba qaybood oo kala ah Geed caleemeed iyo Geed xidideed. Geed xidideedka oo haddii aynu sii qeexno noqonaya sida Kaabashka, saladhkii, Basal-baartii, iyo kuwo kale oo badan. Qaybta labaadna waa nooca loo yaqaan geed xidideedka waxaana kamida Kaarooga, Baytaraafka, iyo Basasha waxaana dhamaantood loo yaqaanaa Geed xidideed labadaa nooc ee aynu soo sheegnay ayaa wax laysku yidhaa Geed Khudraddeed.”

C/Laahi Xasan mar uu ka hadlyay faa’iidooyinka  ku jira khudrada cagaaran iyo sida aanay dadkeena qaarkood u fahan sanayn waxa uu yidh “Geed khudradeedku waxay faa’iido u leeyihiin bulshada waxaan ku jira faytamiino aad u badan oo uu jidhkeenu u baahan yahay tusaale ahaan geedka loo yaqaan Kaarooga waxa ku jira oo laga helaa faytamiin (A) faytamiinkaasina waxa uu wax u taraa araga indhaha, haddii uu qofka aragiisu liito ama daciifo waxa haboon in uu isticmaalo Kaarooga ama Dabacasaha hadba sida loo yaqaan, waxa kaloo jira geedo kale oo cunnidoodu  waxtar balaadhan u leedahay qofka  isticmaala.”

Aqoonyankani waxa kale oo sharaxaad ka bixiyay Geed midhoodka waxaanuu yidhi “ Waxa kaloo jira Geed midhood kuwaas oo ay ka mid yihiin Saytuunka , Rumaanka, Cambe-caadka, Cambe-shoogii , Cambe-lafka iyo Liinta oo leh noocyo kala duwan, kuwaas iyo qaarkale oo badan ayaa  loo qaan Geedmidhood dhamaantoodbana waxay  bulshada u leeyihiin faa’iidooyin caafimaad iyo dhaqaale oo aad u balaadhan. Inkastoo aanan anigu ahayn dhakhtar hadana waxaa kuu sheegilahaa in tusaale ahaan Geedka Liinta laga helo faytamiin o uu ka mid yahay faytamiin (C) kaas oo qaybka qaadataa xoojinta difaacayada jidhka ee cudurada soo wajaha markaa Geed midhoodku waxay leeyihiin waxa tarka intaa leeg.”

Khabiirkan ka tirsan wasaaradda beeruha ee Somaliland mar aanu waxa ka waydiinay sabaha keena in ay bulshadu aqoon badan u yeelan waydo waxtarka khudaarta cagaaran waxa uu ku jawaabay “Sidaynu la socono nolasha dadkeenu waxa ku tiirsan tahay xoolaha nool, wakhtiyadan dambena waxaynu ku hawlanahay xaga wax soo saarka beeraha kaas oo aynu ka bilawnay dhulka beer roobaadka, waxaanaynu xooga saarnay  Garawga iyo Hadhuudhka oo aynu aad ugu tamarinay, laakiin khudrada cagaarani waa wax yaabaha  ay wasaaradda beeruhu kor u qaadideeda wado kuna hawlan tahay dhiirigakinteeda.”

Cabdilaahi waxa kale oo uu ka hadlay labaatankii sanadood ee u danbeeyay sida  ay bulshadu u fahmeen xagga wax soo saarka iyo heerka aqoontooda waxaanuu yidhi “Labaatankii sanadood ee u dambeeyay aad baa loogu soo jeestay xagga wax soosaarka beeraha laakiin dadkeenu badidood aadbay aqoon ahaan u fahmeen culuumta beeraha, mushkilada jirtaa waxay tahay dadkeenu  badankoodu akhriskana  kuma fiicna, qoraalkana kuma fiicna ee waxay aad ugu fiican yihiin hadalka, hadalkaasina waa waxa hoos u dhiga dadaalka iyo wax soo saarka dadka.“

Aqoon yahan kani waxa uu ka waramay waxtarka ay leedahay in qof waliba uu isku dayo in uu beeryar ka samaysto daarada gurigiisa, waxaanuu tusaale u soo qaatay hadal uu wakhti hore yidhi wasiir ingiriis ahaa isagoo yidhi“Waxa jirtay wakhti aanu wasiir Ingiriis ah shir isugu nimi, wasiirkaasi waxuu yidhi Aduunka waxaan ugu jecelahay beeryar oo ku taala gurigayga dhexdiisa, markastoo aan safar u baxana waxaan dadkii guriga joogay ku idhaahdaa beertii ka warama. Aduunku sidaa suu ugu faanaa laakiin waxaad moodaa in aynaanay dadkeenu arrintaa isku hawlin ….waxanaan ku leeyahay nolosha dhabta ahi waa wax beerahada.., raasamaalka dhabta ah ee aynu haynaa waa dhulka, beeraha iyo xoolaha.”

Aqoonyahan Samaale waxa kale oo uu ka hadlay kaalinta ay khudrada cagaarani ka qaadan karto yaraynta nafaqo darada ay dadka badidoodu ka cawdaan waxaanuu yidhi “ Khudrada cagaaran wax tarkeeda waxa garayana ninka beertiisa ama guriisa ku beerta qofkaana waxa nafaqo daro ah oo haysaa majirto, ciddii kale ee isticmaasha khudradan cagaaran ee aynu ka hadlayno. isagoo hadakiisa siiwatana waxa uu uu yidhi Wadan dadkeenana waxa nafaqo darada ugu wacan isticmaal la’aanta khudaarta ,dhakhaatiirtuna waxa dadka ka cabanaya nafaqo darada kula taliyaan in ay cunnaan khudaarta cagaaran eek ala duwan ”

“Wadankeena bur-bur badan ayaa ku dhacay markii uu jiray nidaamkii rajiimkii Siyaad Barre taasina waxay keentay in aynaan waxba qasan oo ay wax waliba inooga yimadaan wadamo kale markaa waxaan aaminsanahay ilaa uu inagu wada beermo fikir ah in aynu dhulkeena wax kala soo baxno oo aynu samayno tacab wax badan baa inaga dhinaanaya, tusaale ahaan haddii aynu eegno dunida kale xabad tamaandho ah oo ka xumaataa majirto waxaana loo  sameeyaa qaab dib looga  munaafacaadsanayo iyadoo loo  kaydinayo si dib loogu isticmaalo.” Ayuu yidhi aqoonyahani  mar uu ka waramayay saamaynta ay dagaaladii wadanka ka dhacay ku yeesheen dadaakii bulshada iyo tacabkii wax soo saarka dalka.

Mar uu dadwaynaha iyo beeralaydaba Somaliland ku wacyigalinaayay wax beerashada siiba dalagyada loo yaqaan  khudradaha  cagaaran waxa uu yidhi “Wacyigalin ahaan waxaan leeyahay ahmiyadu waa in waxlala soo baxo, haday qofka ku beeran tahay qalbigiisa in uu dhulka wax la soo baxo, gacantiisa ayuu ku baahi baxayaa, waxaanaan leeyahay gacan shisheeye iyo hay’ad heblaayaan wax ka su gaynaa wax faa’iido ah oo ay keenaysaa majirto.”

Cadilaahi Xasan Samaale waxa uu sheegay in ay sahlan tahay in uu qofwaliba gurigiisa ka samaysan karo beeryar oo uu ku beeran karo khudraha kala duwan ee inta badan loogu isticmaalka badanyahay isagoo si cilmiyaysan u soo bandhigaya si ugu haboon ee arintaa loogu guulaysan karona waxa uu yidhi “Waxa jira barnaamij aanu wasaarad ahaan doonayno in aanu bulshada ku barno ka faa’iidaysiga iyo beerashada khudaarta cagaaran hadii aan tusaale kooban ka bixiyona waxa loo samaysan karaa, waxaad soo qaadaysaa jawaano dhawr ah oo madhan, waxaad ku shubaysaa ciid madow oo nafaqo leh iyadoo lagu darayo Digo marka intaas la sameeyo waxa laysku walaaqayaa Digada iyo ciida kadib waxa la dhigayaa meel ku haboon iyadoo lagu ridayo gadbadkasta lagu ridayo dalag gaar ah laguna waraabiyo, taasina waxay keenaysaa in si fudud loo helo dalagyo ay hawl iyo lacagbadani kaga ku bixilahayd.”

Gagabadiina waxa uu talo u soo jeediyay beeralayda iyo guud ahaan bulshada Somaliland waxaanuu yidhi “Waxaan leeyahay haddii uu qofku beerto hal geed oo saladh ah waa faa’iido, waxa kale oo aan dadka magaalooyinka ku noolna waxaan leeyahay wasaarada beeraha la soo xidhiidha, siidhadhkiina maanta meel walba waad ka helaysaan, ciida guryahiina way ka baxayaan wixii aad ka beertaan. Markaa Anigu waxaan aaminsanahay in guryaha lagu beeran karo khudrad caafimaad qabta oo qoyska ku filan.”

Gaba gabdii talada barnaamiju waa in qoys waliba isku dayo in gurigiisa daaradiisa ku beerto beer yar oo uu ku beerto khudrada qoysku sida joogtada ah ugu baahi qabo, sida tamaandhada, basasha, basbaaska iyo khurada kale ee la mid ka ah ee sida maalin laha ah qoysasku ugu isticmaalaan cuntada. Arrinaatsina waxay qoysas badan u sahlaysaa in dhaqaale badan oo ku bixi jiray soo iibsiga khudradaasi uu u madhxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here