Somaliland — Xaaladihi u Danbeeyay ee Covid-19

0
678

Hargeysa (Dawan) Baadhitaanka 48kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 150

Sagaal iyo labaatan qof (29) ayaa laga helay xanuunka, 28 waa Somalilander, halka 1 qof udhashay Hindiya. Bukaanadan 19 qof waa rag, 10 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(10jir ilaa 19jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 7 qof)
(30jir ilaa 39jir = 8 qof)
(40jir ilaa 49jir = 4 qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)
(60jir ilaa 69jir = 5 qof)
(70jir ilaa 79jir = 2 qof)
(80jir ilaa 89jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Burco 11 qof, Berbera 3 qof , 1 qof Gabiley iyo Buuhoodle oo ah 1 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Laba iyo Lixdan (62)

Waxaa geeriyooday laba qof oo Hargeisa degenaa. Hal qof waa rag da’diisuna ahayd 65jir halka qof kallena yahay qof dumar oo da’eedu tahay 60jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhintay dalkeen Afar iyo Labatan(24).

Sawirka warbixinta maalinlaha ah ee guddida ee xannuunka safmareenka ah ee covid-19

Leave a Reply