Mashiinada Daabacadaha Oo Gaadhey Heer Gawaadhida Lagu Soo Saaro.

0
760

Waxa horumar weyn lagu sameeyey mashiinadda wax lagu daabaco ee lagu magacaabo 3D-ga ,iyada oo horumar weyn la gaadhsiiyey sannadihii yaraa ee ugu dambeeyey ,waxaanu noqday mashiinkani mid  waxyaalo kala duwan loo adeegsado soo saaristooda,kaas oo lagaga kaaftoomay waxyaalo badan.

Waxyaalaha mashiinkan loo adeegsanaayo ayay ka mid yihiin  dhismaha Guryuhu, waxa kale oo loo adeegsanayaa samaynta waxyaalo kale oo kala duwan, kuwaas oo heerkooda samays aad u sareeyo, iyada oo heerkeeda wax lagu samaynayaa gaadhey mid waxyaalo badan si fudud loo sameeyo.

Sidoo kale mashiinkan habka 3D-ga ah wax u daabaca ayaa markii ugu horeysay lagu sameeyey waxyaalaha indhaha la gashado ee Wiilka isha la saaro, isaga oo muddo saddex Minute oo keliyaata ku sameeyey  waxyaalahaas yar yar ee indhaha la saaro, lana dul saaro bu’da isha, isaga oo ku fadhiisinaaya , iyada oo la rajaynaayo in mustaqbalka qalabkan lagu daabaco waxyaalo badan, iyada oo waxyalaaha Bu’da isha la saaro lagu caawin doono malaayiin qof oo ka cabanaaya aragtida indhaha.

Fikradaha kale ee qalabkan lagu soo kordhiyey, isla markaana waalida noqday ayaa ah kuwo mustaqbalka suuqyadda gaadiidka caalamka wax ka taraaya, iyada oo shirkadda gaadiidka loo soo kordhiyey mashruuc lagu magacaabo Luusi oo gaadiid lagu soo saaraayo , gaadiidkaas oo ka duwan kuwa hadda la isticmaalo, waxaanay gaadiidkaasi noqon doonaan kuwo iskood isu wada, sidoo kalena aan shidaal isticmaalayn ee la jaajar garaynaayo, waxa sidoo kale qalabkan lagu samaynayaa dhismeyaal yar yar oo caag ah, kuwaas oo xafiisyo u noqon kara shirkaddaha , iyada oo mashruucan Luusi uu yahay mid lagu shaqaynayo habkan 3D-ga  ah oo keliyaata.

Shirkadda  Aykoon oo iyaduna dhismaha ka shaqaysa waqtigan ayaa qalabkan u adeegsan doonta dhismayaasheeda, waxaana qalabkan loogu dhisi karaa guriga habka uu qofku doonaayo, iyada oo uu mararka qaarkood qof keliyaata ku shaqaynaayo, iyada oo loogu samaynaayo qaybaha kala duwan ee guriga, sida Albaabada, Daakhadaha iyo wixii lamid ah, waxa kale oo lagu sawiri doonaa guriga inta aan la bilaabin ka hor.

Qalabkan ayaan u baahnayn kharash badan oo  la geliyo marka lagu qabsanaayo shaqooyinka kala duwan, waxa keliyaata ee uu u baahan yahay ayaa ah gaadhi lagu qaado, madaama oo uu aad u kala culus yahay , meelo kala duwana loo qaad qaadaayo.

 

Leave a Reply