Muuska Oo La Ogaadey In Aan Cuntooyinka Qaarkood Lala Cuni Karin.

0
720

Muuska ayaa lagu tilmaamaa in uu kamid yahay waxyaalaha ugu faa’iidooyinka badan dhinaca khudaarta la cuno, iyada oo laga helo macdan aad u badan , sidoo kalena waxa ay khubarrada cilmiga Nafaqooyinka aqoonta badan u lihi tilmaamaan in uu lee yahay nafaqo aad u badan, sidaas oo ay tahay haddana waxa jira cuntooyin aan lala cuni Karin.

Cuntooyinkan ayaa khubarro dhowaan cilmibaadhis ku samaysay oo hordhicii cilmibaadhistaan soo saartay ay sheegeen in ay khatar jidhka ku yihiin haddii la wada cuno Muuska iyo cuntooyinka kale ee ay ku badan yihiin ama laga helo macdanaha Potassium, waxaanay sababi karta arrintani  in muruqyadda Wadnuhu ay dabcaan , Kelyaha oo fadhiista, Kala goysyadda jidhka oo xanuuna qofka , garaaca wadnaha oo hoos u dhaca  iyo xataa Geeri.

Hordhaca Daraasadan oo lagu daabacay wargeyska The Telegraph oo uu wargeyska Dawan kasoo xigtay qormadan ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in qofka caloosha xanuunada ku leh iyo qofka isna macdantu ay xanuunaysaa in aanay cunin cuntooyinka qaar, iyaga oo ku daraaya Muuska , taas oo keeni karta in qofka ay xanuunto qaybta hoose ee calooshu ama uu fuuq baxo , waxa uu sidoo kale sababi karaan dhibaatooyin kale oo dhinaca dheefshiidka ah .

Waxa lagula taliyey oo kale dadka in aanay isku cunin Muuska iyo Baradhada macaan , madaama oo labadaba ay ku jiraan macdano isku mid ahi, iyada oo haddii ay isku cunaan ay keenayso  in dheefshiidka qofkaasi uu xumaado , iyada oo muddo dheer ay cuntadu ku jirayso caloosha , isla markaana ay ku adkaanayso Mindhiciradda in ay cuntadaas dibadda u saarana, taas oo sababi karta in qofku uu sumoobo ama Mindhiciraddu ay wax noqdaan.

Khubarradan ayaa kula taliyey dadka jecel cunista Muuska inay cuntooyinkooda iyo cunitaanka Muuska u dhaxaysiiyaan  muddo 30 Minute ah ugu yaraan , waxa ay sidoo kale kula taliyeen in aanay dadku cunin Muuska calooshooda oo madhan, taas oo keeni karta in uu is xoq ku dhaco caloosha ama is lis ku dhaco, sidoo kalena waxay tilmaameen in caloosha uu qofka Gooryaan kaga dhalan karo , haddii uu cuno Muuska isaga oo gaajoonaaya ama calooshu madhan tahay.

Saynisyahanadani waxa ay dadka kula taliyeen in ay inta badan Muuska ku ridaan Talaagad, si aanu  u madoobaan, isla markaana aanay uga lumin  Dhadhankii macaanaa iyo waxyaalihii nafaqada lahaaba.

 

Leave a Reply