Saacaddaha Yar Ee La Seexdo Hurdada Oo La Ogaadey Inay Keeni Karaan Xanuuno Khatar Ah.

0
594

Daraasad caafimaad oo ay sameeyeen  khubarro ka socday wadanka Ruushka oo uu hogaaminaayey Dr Svetlana Voss ayaa  lagu ogaadey in hurdada waqtiga yar la seexdo in ay keento xanuuno badan oo khatar ah, kuwaas oo qofka u horseedi kara heer dhimasho.

Khubarradan oo Natiijadda hordhaca ah ee daraasadan ay sameeyeen ku daabacay wargeyska Russian Times ee wadankaasi kasoo baxa oo uu  qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan, waxaana natiijadan hordhaca ah lagu sheegay in  hurdada la seexdo saacaddaha ka yar 7-da saacadood ay keento ama horseedo xanuuno ay kamid yihiin  Macaanka, Barruur badan oo qofka jidhkiisa fuusha, Dhiig karka iyo wadne xanuun.

Khabiirkan caafimaad ayaa sheegay in  uu jiro xidhiidh ka dhexeeya saacadaha uu qofku seexdo iyo culayska jidhka oo kordha, waxaanu tilmaamay in marwalba oo saacaddaha qofku seexanayaa ay yaraadaan  uu jidhku soo daayo Dhecaano  ay kamid yihin Leptin iyo Satiety, kuwaas oo cariya  , sababna u noqda in jidhku soo daayo  Dhecaan kale oo lagu magacaabo Ghrelin, kaas oo isna sababa in uu jidhku gaajoodo, isla markaana dibadda usoo saaro dux badan oo uu dib u cuno,taasina ay kordhiso culayska jidhka.

Dhanka kalena waxa uu khabiirkani tilmaamay in qofka oo  seexda wax ka yar toddoba saacadood  ay keento in uu hoos u dhaco Metabolism-ka jidhkiisu, isla markaana uu qofku dareemo tabcaanimo iyo caajis fara badan, kaas oo qayb weyn ka qaata in ay hoos u dhacdo shaqada Maskaxdu, qofkuna uu noqdo qof aan waxba qaban Karin ,wax walbana karha.

 

Leave a Reply