Guushu Waa Go’aanka Saxda Ah!

0
500

Rasuulka Allah (scw) wuxuu yidhi: “ Cibaado waxa ugu fadli badan: farajka oo la sugo” Waxa weriyay Tarmadi.

Dhib ka ugu khatar badan ee qof  asiibaa waa marka uu ka malaysto naftiisa male xun.

Weedhaha  “ Ma Awoodo”, “ ma Karayo” , “xataa hadaan sidaa yeelo waan qaldamayaa”, ama waan “ Fashilmayaa”.  Dhamaantooda way  ka khatar badanyihiin dagaalka tooska ah oo hub iyo rasaas la isku adeegsado.

Isku dey inaad warqad iyo qalin soo qaadato ka dibna aad qorto wax kasta oo aad hore u tidhi “ma awoodo”, kuna hoos qortid “ waan awoodaa”,  naftaadana ku kalsoonow oo ka saar malaha beenta ah ee awoodda ka baabiinaya.

Nin xakiim ah ayaa yidhi “ Arrin kasta wuxu ku bilowdaa yaraan, ka dibna wuu koraa oo weynaada ilaa Masiibada mooyee. Iyadu waxay ku bilaabantaa weynaan ka dibna way yaraataa”. Shay kastaana marka uu bato wuu jabaa oo rakhiis noqdaa , edebta mooyee, iyadu way qaaliyowdaa”. Guushuna waa go’aanka saxda ah, sabirka iyo joogtaynta.

Leave a Reply