Dulqaadka Iyo Jawaabta Dadka Wanaagsan

0
1457

Waxba ha ka damqan hadalka taban mid ka mida dadkii hore ee wanaagsanaa ayaa masaajid soo galay, nin masaajidka hurday  ayuu  lugtiisa taabatay  ka dibna isagoo cadhaysan ayuu soo boodey oo yidhi: “Ma dameer baad tahay, waa ku sidee, maxaad noo jiidhay ?”

Ninkii ayaa ugu jawaabay: “ Maya. Ma ahi Dameer” ,  Qaar ka mida dadkii masaajidka ku sugnaa ayaa damcey inay garaacaan ninkii aflaagadada sameeyay, waxanaa uu ninka wanaagsana dadkii ku yidhi: “ iskaga taga, ninku wax kale imuu waydiine waxa uu igu yidhi ma dameer ayaad tahay?,  aniguna waxa aan ugu jawaabey Maya dhibaatana ma jirto”.

Muhiim ma aha in aynu dheg u dhigno hadalada dadka qaar, gaar ahaan marka hadalku yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah, waxa kaaga filan dulqaadka oo beenta muujinaya.

Hadii uu qof  kugu yidhaahdo: “ dibjir baad tahay” , waxba ha u jawaabin waayo waad ogtahay in aanad ahayn, hadii uu qof  kugu yidhaa beenaalaad tahayna markaaba dib naftaada dib ugu noqo, markaad ogaatana in aanad ahayn, ha jawaabin, waayo si dhab ah ayaad u hubtaa in naftaadu aanay ahayn beenalay. Haddaba ahimiyad ha siin hadal aan qiime sare mudnayn oo jawaabtiisu wakhti lumis tahay, mararka qaarkoodna dhibaato keen, waayo Somalidu waxay tidhaa “ haddaan af xumaan, gacani ma xumaato”..

Leave a Reply