Iska dhaaf Dhaleecaynta Dadka!

0
512

Doodu meel walba way ka dhacaysaa, hadaba marka aad dood ka qayb qaadaneyso, ku dedaal ka inaad fikrada ka doodo, oo haku fakirin qofka ama dadka qaba fikiradda dooda. Marka aad aragto in doodu ku meereysanayso shakhsiyaad, doodaas jooji, ka hor intaanad jaahil u muuqan, maxaa yeelay ka caqliga badani kama doodo wax aan fikrad ahayn.

Xasadka iyo dhibaatooyinka dadka waxaad naftaada ka badbaadisaa, kaliya kolka aad fikrad ka doodo ee aanad shakhsi weerarin laakiinse dhibaataba waxay taagantahay marka aad dad ceebahood iyo boogohood aad faraha lagasho iyadoo laga yaabo inay kuwaagu ka badan yihiin.

Waayo qofka ku nuuxnuuxsada ka doodista galdaloolada dadka kale, badbaadadiisu way yar tahay, arimihiisuna way kala daataan; xasadkiisuna wuu fara bataa.

Sidaa darteed, arintaa xusuusnow, oo adigu isku baraarug ka hor inta aanad qof kale ka dul onkodin. Ka mid noqo kuwa caqliga badan, ee afgaabnida ku hanta haybada goobta ay joogaan, ka mid ahaw kuwa caqliga badan, oo ashkhaas haka doodine, afkaar ka dood.

Leave a Reply