“Xilkii la inoo Dhiibtay Ayaynu Gudan Kari la nahay Waynu Ilownay in Bulshadu ina soo Diratay” Gudoomiyaha Guurtida

0
398

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golaha ku dhaliilay waajibaadka iyo gudashada xilkii ay bulshadu u igmatay, isla markaana ay tahli-waayeen in ay buuxiyaan Kooram 42-xildhibaan ah.

Guddoomiye Saleebaan ayaa hadalkan u jeediyay mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland, kadib markii fadhigii shalay ee galahaasi uu hore u furmi waayay kooram la’aan, kaas oo qaatay in la sugo mudanayaasha wakhti dheer.

Shir-guddoonka golaha Guurtidas Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii uu furmay fadhigii goluhu waxa uu canaan u jeediyay mudanayaasha, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “Xilkii la inoo igmaday ayaynu gudan kari la’nahay, Kooram 42-xildhibaan ah ayaynu buuxin kari la nahay oo aynu sugaynaa ilaa sagaalka iyo badhka subaxnimo iyo siyaado, waajibaadkii golaha laga sugayayna innaga ayaa qaadanay oo xambaaranay, waynu ilownay in bulshadu ina soo diratay. Bulshaduna waxa inoo diratay in aynu ka hadalno danaha ummada, miyaynaan dadkaas ina sugaya u maqnayn? Uma maqnin, intii kooramka ka soo xaadirtay uun baan canaananayaa”

Guddoomiye Saleebaan waxa uu xoghayaha guud ee golahaasi garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi iyo xoghaye ku xigeenka Cumar Maxamed Faarax, u gudbiyay go’aan ah in la ganaaxo oo gunada laga jaro mudanayaasha ka maqnaa fadhigaasi waxaanu yidh “Waxaan farayaa xoghayayaasha golaha Guurtida in la ganaaxo xildhibaanada ka maqan fadhigan maanta ee aan haysan wax cudur-daar ah, ha la ganaaxo oo gunnada ha laga jaro, liiskoodana soo dhejiya.”

Leave a Reply