Duuliye Axmed Dheere ma ka markhaati furri doonaa Xasuuqii ay Soomaaliya u geysatay Shacabka Somaliland 1988-kii?

0
870
“shaki igagama jiro in caddaalad la horkeeni doono Dadkii dambiyada galay haddii cida Somaliland, Soomaaliya iyo Qoomiyada Soomaalida oo dhan wanaaggeeda jecel ay xukunka qabtaan…”Waraysi Qaybtii 1aad
Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Duuliye Sare Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere), ayaa sheegay in uu ka markhaati furi  doono  xasuuqii iyo tacadiyadii ay Shacabka Somaliland u geysatay 1988-kii Dawladdii Milateriga ahayd ee Siyaad Barre markii ay gulufka aan loo kala aabbo yeellin Maato iyo Miskiin ka fulinaysay gobolada Hargeysa, Burco iyo deegaamada kale ee ay wakhtigaasi Milaterigu gumaadka ka fuliyeen.
Duuliye Axmed dheere oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka Cirka Jamhuuriyadii burburtay ee Soomaali, laguna xusuusto in uu ahaa Duuliyihii diiday in uu duqeyn ka geysto Magaalada Hargeysa oo lagu amray bishii Jully 1988 in uu howlgal duqeyn ah ka fuliyo, una goostay dalka Djibouti markii uu ka duulay Garoonka Hargeysa, isla markaana Jamhuuriyada Somaliland abaal aan duugoobaynin kaga mutaystay arrintaasi, ayaa waraysi uu siiyey todobaadkan Wargeyska Dawan kaga hadlay aragtidiisa ku saabsan qadiyada Somaliland, xalka maslaxada Soomaaliya iyo dareenka uu ka qabo dagaalka siyaaddeed ee maamulka Xamar wali kula xifaaltamayo Jamhuuriyada Somaliland.
Waraysigan oo suurtalkiisa ay gacan ka geysteen Xubno kamida Urur qurbo-joog ah oo la yidhaahdo UXQJSL, ayaa waxa kale oo uu sarkaalkani kaga mahad-celiyey maamus-sharafeedka Qaranka Somaliland u fidiyey oo ah in Madaxweynaha JSL guddoonsiiyey Bilada ugu saraysa dalka, Baasaaboor Diblomaasi ah iyo hanti ma guurto ah oo uu ku yeellan doono Caasimada Hargeysa.
Haddaba Waraysigan oo aanu idiinku soo gudbin doono qormooyin taxane ah, ayuu ugu horayn kaga waramay horumarka balaadhan ee ay Somaliland ku talaabsatay soddonkii sannadood ee ay madaxbanaanideed la soo noqotay “adduunka waxa ugu qiimo badan Xoriyad, shacabka Somaliland waxay haystaan xoriyad haddii xoriyad la haystana nabad-gelyadu way jiraysaa. Dalka meello badanbaan tegay, waxa kamida Dekedda Berbera oo ay shaqo fiicani ka socoto, garoonkii diyaaradaha oo isagana dhismihiisu socdo.
Markaa dadka Somaliland waxaan kula talinayaa in horumarka iyo nimcada lagu ilaalshan karo midnimo iyo walaalnimo bulshada dhex taalla”ayuu kula dardaarmay Shacabka Somaliland.
Axmed Dheere oo markii labaad Somaliland yimi tan iyo maalintii uu diyaarada Miig 17 kaaga goostay Dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyada Soomaali, waxa uu sheegay in farqi weyni u dhexeeyo xaalada dalka labadii jeer ee uu yimi, waxaanu tilmaamay in horumarka JSL laga dheehan karo kala duwanaanshiyaha marxaladii 2008-dii iyo halka ay marayso 2020-ka oo uu booqashadii labaad ku yimi.
“Laba jeer ayaan imi, iminka iyo sanadkii 2008-dii, labadaba si fiican ayaa laygu soo dhaweeyey oo aanan ilaabi doonin.
Mid kamida Su’aalihii ugu muhiimsanaa ee aanu waydiinay oo ahayd in haddii Somaliland dacwad caalami ah ka gudbiso xasuuqii shacabkeeda loo geystay ee ay kula kaceen Ciidankii ka amar qaadanayey nidaamkii Siyaad Barre inuu ka markhaati furi doono jarriimadihii raydka lagula kacay waxa uu cadeeyey in aanu ka laba labaynayn ee uu si cad cadaaladda horteeda uga beyaamin doono wixii uu ogaa.
“Qofka ka aamusa xaqu waa shaydaan dhego la’ oo aan waxba maqlaynin, markaa xaqa in la sheegaa waa waajib. wixii meeshan ka dhacayeyna (Somaliland) dad badan ayaa ka war qaba oo og, dadkaa badan ee ka war qaba qaar way nool yihiin qaarna waa dhinteen.
markaa waxa aad iyo aad nasiib daro u  ah in aan ilaa hadda aan la haynin cid ka hadasha oo arrintaas (Xasuuqii) qirata oo kamida dambiileyaashii, inagoo arkayna dad kala duwan oo gaallo iyo muslim ah amma quruumo kala duwan ah amma qoomiyado kala duwan ah sida Koonfur Afrika oo kale oo ay qiranayaan dhibaatooyin ay geysteen oo odhanayaan halkaasaan wax ku dilay.
Kii kula dhashay ee aad isku diinta ahaydeen ee dhibaatada aad u geysatayna aanad odhan karin waar dhibkaasaan galaye hala i cafiyo, waa wax aad iyo aad u nasiib-darro ah”ayuu yidhi.
Axmed Maxamed Xasan oo shaqada Ciidannimo kaga tegay isagoo ah derejada Gaashaanle dhexe, xilligii howlgalka xasuuqa Shacbiga Hargeysa loo soo dirayna ahaa macalin culuumta gaadiidka cirka bara Ciidanka, Su’aal aanu ka waydiinay suurtogalnimada in mar uun caddaalada la horkeeni doono Saraakiishii hogaaminayey gabbood-falladii ay geysteen Ciidankii Siyaad Barre ee uu kamid ahaa howlgalkii uu fulintiisa diidday, waxa uu sheegay “shaki igagama jiro in caddaalad la horkeeni doono Dadkii dambiyada galay haddii cida Somaliland, Soomaaliya iyo Qoomiyada Soomaalida oo dhan wanaaggeeda jecel haddii ay xukunka qabto.. arrintaasi inay imanayso shaki igagama jiro.
Waayo waa wax loo baahan yahay, waa wax mujtamaca laftiisu ku dawoobi karo, dawadaas ilaa maanta la la’yahay taasaa kow ka ah, haddii la heli lahaa sida wadamada kale dad qiranaya dambigii ay galeen, shaki igagama jiro in dadkii loo geystay ay cafis bixin lahaayeen, laakiinse caqabadu ugu weyni waxa weeye arrintan aan sheegayno (qiraal iyo caddaalad la’aanta)..”
Xubno kamida Saraakiisha ku suntan hogaaminta xasuuqii shacabka Somaliland, marka ay dafirayaan amma ay qiil u samaysanayaan gulufkii ay kumanaanka qof iyo magaalooyinka ku gumaadeen waxa ay ku dooddaan inay Dagaalyahanadii Ururka SNM Shacbiga ku dhex dhuunteen, taasina ay sabab u ahayd in la beegsado meelihii rayidka lagu laayey, hase yeeshee Duuliye Axmed Dheere oo Wariyuhu waydiiyey in taasi ay u noqon karto marmarsiiyo sharciga kaga baxsadaan ayaa ku jawaabay “taasi ma noqon karto wax cudur daar looga dhigto wixii Somaliland ka dhacay, waxa laga rabay dawladdii anigu dawlad in ay ahayd umaba arkee inay siday doonto oo kale wadahadal ha noqoto iyo in ay dadka la hadasho ee in ay wado kale marto. haddii la yidhaahdo SNM dadka ayey soo dhex gashay cudur daar ma noqonayso sababtoo ah  Dadkii shacabka ahaa iyo SNM intaba xuquuqbaa ka maqnayd ee dulmiga meesha jira in laga baabiyo ayey ahayd.
Waxa weeye nidaamka Keligii Taliyuhu marka horeba dambiile wuxuu ka dhigaa cida uu dilayo, laakiinse isagu dambiga uu gelayo ma arko. 21 sannadood in xukun la fadhiyo marka horeba yaa isaga awood u siiyey? anigaa keligay talinaya 21 sannadood qofkii i diiddana waan dilayaa xageebay ku qornayd? marka horeba meesha khaladku ka imanayaa halkaasay ahayd, laakiinse meel kale in dadka loo tuso maaha”ayuu yidhi Sarkaalkan hore oo ka waramayey sababihii keenay halgankii ay SNM kala hortimi hab-dhaqankii macangaga ahaa ee Maamulkii Siyaad Barre.
La soco Qaybta labaad iyo waraysiga

Leave a Reply