Caafimaadka Iyo Socodka Kabo La’aanta Ah!

0
443

Kabo la’aanta oo lagu socdo mararka qaarkood ayay aqoonyahanda sayanisku cadeeyeen wakhtigan inay faa’iido ku jirto., waxaana ay sheegeen inay jidhka ku abuuraan Antioxidants  oo jidhka ka caawisa joojinta waxyeelada gaadhays unugyada iyo walxaha madaxa adag ee keena da’ad iyo xanuunada.

Socodka Kabo la’aantu waxay keentaa inuu kordho cilaaqaadka ka dhexeeya jidhkeena iyo danabka neg ee dhulka. Waxaana ay sheegen in jidhkeenu mar kasta u baahan yahay in dhulka uu xidhiidh la sameeyo si aynu u qaadano danabka jidhkeena Jaaj garaynayaa.

Reflexology waa eray macno ahaan noqonayaa “ Falcelin”, waxaan loo yaqaana sayniska falcelinta.  Waa  aqoon khusaysa barashada iyo cadaadiska qaab cilmiyaysan ee gacmaha iyo cagaha, oo lagu magacaabo goobaha falcelinta.

Reflexology waxa ay ujeedadeediisu tahay inay ka caawiso jidhka inuu dib u helo isku dheelitirnaantiisa dabiiciga ah.  Waxa kale oo soo baxa Xaalado wanaagsan oo ka caawiya inuu iskiis isu bogsiiyo, si uu uga tarjumo xaaladda caafimaad ee cagaha, iyo xidhiidhka dhow ee u dhexeeya xubnaha kala duwan, neerfayaasha, iyo qanjidhada jidhka iyo inta u dhexeysa aagagga falcelinta gaarka ah ee cagaha.

Cagaha waxa ku yaalla 7,200 xididdada dareemayaasha, oo ku xidha jidhka intiisa kale laf dhabarta iyo maskaxda.

Shaqada sayniskani waxa ay ku saleysan tahay dhaqaajinta dhibcaha falcelinta ee cagaha ama gacmaha, cadaadiskan wuxuu si toos ah u saameynayaa qanjidhada, neerfaha, iyo jidhka intiisa kale. Taas oo iyaduna sahlaysa wareegga dhiigga iyo tamarta muhiimka ah ee wanaagsan, waxaana ay keenaysa caafimaadka muruqaha, iyo ka saaridda suntan qaybo jidhka.    

Saxaabadii Rasuulka Allah (scw) waxay yidhaahdeen :” Rasuulka Allah (scw) wuxu na fari jiray mararka qaarkood inaan kabo la’aan ku socono” Waxa weriyay Abu-da’ud, Imaam Axmed, Waxaana ku soo saaray silsilada axaadiista sexeexa ah Sh.Albaani. waana xadiis sexeexa.

                                          (khayma.com/cupping/reflex/reflex.htm

 

Leave a Reply