Dareenka Wada Noolaanshaha Wanaagsan!

0
314

Odayga oo da’da sideetanka ahi wuxu quraacda afka ugu guraya islaantiisa  oo ku jirta xarun lagu xanaaneeyo dadka da’da ah ee xanuunsada. Markiii uu sawir qaaduhu weydiiyay sababta keentay in islaantiisa xaruntan xanaanada dadka waaweyn la keeno, wuxu ku jawaabay: “ halkan muddo ayay ku jirtay ka dib markii uu ku dhacay xanuun waxyeelo u geysta xusuusta maskaxda, taasi oo keentay in aanay qofna garan.

 

Sawir qaadaha ayaa mar kale weydiiyay : “Oo haddii aad ka daahdo miyay ku dareemaysaa?

Odayga ayaa ku jawaabay “Maya ma garanayso xataa anigu qofka aan ahay”.

Sidaasi ayay ahayd muddo shan sano ah , aniguna ayaan cuntada afka ugu guraa shantaasi sanadood”.  Sawir qaadaha ayaa ku celiyay : “Oo ma sidan ayaad usoo kalahaysay shantaasi sanadood iyadoon weliba ku garanayn? Odayga : “haa, sidaasi ayan usoo kalahaa oo u Quraaciyaa”,

Isagoo qosalaya, ayuu odaygu intaasi u raaciyay  sawirqaadaha : “ Iyadu ima garanayso qofka aan ahay.. laakiin aniga ayaa garanaya qofka ay  tahay”!. Sidaasi ayay dad badani u ilaaliyaan xuquuqda ay isku leeyihiin.

 

Leave a Reply