Heshiiska Lamaanaha Ee Mucjisada Noqday!

0
419

Muddo 52 sano ayay isaga iyo xaaskiisu wada noolaayeen, haddana maalin keliya ma dhex marin wax muran iyo khilaaf ah. Markii la weydiiyay isagoo da’ ah sababta aanay taasi u dhicina waxa uu ku jawaabay: ”  Aniga iyo Marwadaydu habeenkii Arooska ayaanu heshiis buuxa wada galay, waxaan ku heshiinay haddii ay iyadu bukooto in aan anigu madbakha galo, oo aan hawsha guriga la wareego, haddii aan anigu xanuunsadona ay iyadu la wareegto biilka qoyska, Sidaasi darteed maba jiro wax aanu isku qabsan karo”.

Heshiiska ayaa ah furaha muran kasta oo iman kara, waxaana uu sheegay in xalka khilaafka ay sii dhameeyeen ka hor inta aanu iman.   Waxase yaab lahayd in haddana aanay is bedelin qaabkii nolosha oo ah in uu isagu noqdo Aabaha qoyska biiliya , halka iyaduna ay ahayd mudadaasi hooyada guriga ee qoyska iyo caruurta daryeesha.

 

Waxaana uu ku soo xidhay weedhan : “ Waa in aan baranaa sida loo wada noolaado inagooo walaalo ah, ama waa in aan sida nacasyada u wada dhimanaa “.

Leave a Reply