Inta Khashinku Kuu Jiro Ayuu Xannuunku kuu Jiraa

0
461

Qore: Maxamed Siciid Muxumed

Hargeysa (Dawan) Nadaafaddu waa Iimaanka badhkii, siday diinta Islaamku ina farayso. Khashinku waa hadhaaga wax kasta oo Aadamuhu isticmaalo, ha noqoto Cunto, ama Qalab. Khashinku wuxuu u qaybsamaa mid qoyan iyo mid qallalan.

Tan iyo intii Bini’aadamku  gaadhay kacaankii Wershadeynta, waxa barbar socday  ilbaxnimadii bilaabantay  Qarnigii 18aad waxay keentay in khashinku barbar socdo nolosha Aadamaha, waxana la dareemay halista uu khashinku ku hayo Magaalooyinka iyo deegaannada kala duwan ee caalamka.

Waxa taas daliil u ah haddii aan dib u milicsano noloshii reer guuraanimada  ee dadkeena iyo dalkeenu soo maray, ma jirin khashin oo aynu soo saari jirnay, waayo waxaan xilliyadaas jirin  cuntooyinka wershadaysan  ee ay ku dahaadhan yihiin Bacaha, Kartoomada, Caagadaha  iyo Qasadaha.

Waxa hadda jirta cunto kasta oo aad isticmaasho iyo qalab kasta oo aad adeegsato waxa ka dhasha khashin hor leh.

Bal u fiirso intee in leeg oo khashin ah ayaad soo saartaa, mase ka fikirtay sidaad u maamuli lahayd?

Maamulida khashinku waa  hawl muhiim ah xiligan casriga ah ee aynu ku jirno. Sidaas darteed, waxa bulshada looga baahan yahay  sidii aynu u maamuli lahayn khashinka ka soo baxaya maalin kasta guryaheenna, meheradaha ganacsiga iyo goobaha kala duwan ee suuqyada magaalooyinka dalka. Waxa khashinkaasi oo la maarayn waayaa uu sababi karaa caafimaad darro soo wajahda bulshada iyo bilic xumo magaalooyinku la qayirmaan.

Tusaale ahaan Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo shacbigeeda oo iskaashanayaa, waxay dhawaan sameeyeen olole nadaafadeed oo la sheegay inuu joogto noqon doono. Waxana habboon in magaalo waliba ay yeelato maalin gaar ah oo ay u asteeyaan nadaafada deegaamada kala duwan.

Waxa darruuri ah in wax laga beddelo fikirka bulshada oo dadweynuhu ay dareemaan inay iyagu dalkooda hagaajisan karaan, waxaana muhiim ah in jidadka laamiga ah laga daayo uskaga iyo khashinka oo Dawladda Hoose ay sharciga la tiigsato cid kasta oo fal dhaawacaya waddooyinka lagu qabto.

Waxa kaloo muhiim ah in Dawladda Hoose ee Hargeysa ay kor u qaado wacyiga bulshada, isla markaana ku guubaabiso inay joojiyaan inay biyaha wasakhda leh ku shubaan laamiyada magaalada, isla markaana saddex biloodka u horeeya ee xilhaynta golaha deegaanka ay dayactir ku sameeyaan jidadkii burburay ee magaalada Hargeysa.

Ugu dambayn, waxaan leeyahay bulshooy innagoo la daalaadhacayna maareynta khashinka oo dawladda Hoose ku hawlan tahay siday ula xisaabtami lahayd shirkadihii ay qandaraaska ku siiyeen hawsha fayo-dhawrka in aynaan ku darin inaynu burburino waddooyinka faro ku tiriska ah ee aynu sameysanay.

Leave a Reply