Guddoomiye Cabdiraxmaan oo Xukuumadda ugu Baaqay Wax-ka-qabashada Baahiyaha Aasaasiga ee …

0
797

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabato baahiyaha aasaasiga ah ee mid ka mida xaafadaha  degmada Maxamed Mooge, oo uu sheegay in gabi ahaanba ay ka ardan yihiin adeegyada mihiimka u ah nolosha bini’aadamka.

Sidoo kale dadweynaha xaafadaasi waxa u uku boggaadiyay kulan iska wax u qabso ah oo ay isugu yimaadeen.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in dadka oo iskaashada oo wax wada qabsada ay wax wanaagsan tahay.

Guddoomiye Cabdiraxmaan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Dadku inay wax qabsadaan oo ay isku tashadaan aad ayay u fiican tahay, waxaanan ka rajjaynaya masuuliyiinta deegaanka dawladda hoose iyo xukuumadduba inay soo gaadhaan degaankan, oo ay u qabtaan bulshada baahiyaha aasaasiga ah.

Waan ku boggaadinaya mashruucaa weyn ee iska wax u qabso ay ku fulinayaan.

Farxad ayay ii tahay in aan kala soo qayb galo dadka ku nool degaankan hoos yimaada degmada Maxamed Moogse, oo ka aradan dhammaanba baahiyaha aasaasiga ah, ee dawladdu qaban jirtay, sida wasiirku sheegay haddii aty tahay waddo, haddii ay tahay dugsi, iyo xarumaha dhallaanka iyo hooyada iyo adeegyada kale ee aasaaska u ah nolosha bini’aadamka,”

Leave a Reply