Wasiiro Kormeeray laamaha Dawladda ee magaalada Laascaanood

0
288

Laascaanood (Dawan) Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tagay, qaar ka mid ah xarumaha Dawlada ee ku yaala magaalada Laascaanood, gaar ahaana xarumaha wasaaraddaha waxbarashada iyo cadaaladda, waxaanay halkaasi warbixino kaga dhagaysteen Isu-duwayaasha  wasaaraddahaasi iyo sida ay ugu adeegaan shacabka.

Wasiiradan ayaa hore u booqday xarumaha kale ee dawladda iyaga oo u kuurgalayay sida hawl wadeenadaasi Dawladdu ugu adeegaan bulshada ku nool gobolka Sool.

Wasiiradan oo ka koobnaa wasiirka arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), wasiirka xannaanada xoolaha Siciid Sulub Maxamed iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada ayaa waxa booqashadani ku wehelinayay maamulka Gobolka Sool.

Leave a Reply