Xero xayawaan ayaa la xidhay ka dib markii ay ka baxsadeen sagaal Dacawo

0
1037

Xero xayawaanka lagu xanaaneeyo oo dalka Faransiiska ah ayey si ku meel gaadh ah u xidheen maamulka deegaanka ka dib markii sagaal Dawaco ka baxsadeen xilliga lagu jiro saacadaha booqashada.

Ma jirto dad ku dhaawacmay ka dib markii todobaadki hore beertan xayawaanka ee Trois Vallées ee Montredon-Labessonnie, ee koonfurta France ay ka baxsadeen Dacawooyinku.

Xayawaanku waxay burburiyeen meelihii lagu hayey waxaanay fuuleen xayndaab, laakiin waligood kamay baxsan beerta xayawaanka.

Sagaalka xayawaan ee baxsaday afar ka mid ah ayaa la toogtay ka dib markii ay dagaalameen, sarkaal maxalli ah oo lagu magacaabo Fabien Chollet ayaa sidaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Halka shanta soo hadhayna dib loogu celiyay xayndaabkii ay ku jireen, waxaana suuxiyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada oo goobta loogu yeedhay.

“Ma jirin dad badan oo ku sugnaa beerta xayawaanka wakhtigaas, mana jirin cid ay bahalahani halis ku ahaayeen,” ayuu yidhi Mr Chollet.

Balse waxa uu intaa ku daray in loo baahan yahay in la xidho beerta xayawaanka ilaa inta laga xalinayo amniga.

BeertanTrois Vallées zoo ayaa boggeeda ku sheegtay inay xidhi doonto ilaa badhtamaha January “shaqo degdeg ah” awgeed.

Mulkiilaha Park Sauveur Ferrara ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in in dacwooyinku ay dhawaan yimaadeen beerta xayawaanka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in xubnaha dadweynaha laga saaray goobta markii ay baxsadeen.

Beertan lagu nasto oo baaxadeeda dhan tahay 60 hektar, waxaana ku jira in ka badan 600 oo neef oo ay ku jiraan libaaxyo, daayeero iyo flamingos.

Ma aha markii ugu horeysay ee amar lagu bixiyo in la xidho, Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, Barbara Pompili, oo ah Wasiirka Isbeddelka Deegaanka ee Faransiiska, ayaa ku qasabtay in la xidho beerta xayawaanka, iyada oo u sababeysay walaac ku saabsan daryeelka xoolaha iyo badbaadada shaqaalaha.

Si kastaba ha ahaatee maxkamad ayaa laashay go’aankan maalmo ka dib, taas oo u ogolaatay beerta xayawaanka in ay haysato xoolaheeda.

 

Leave a Reply