Koonfur Afrika oo joojinaysa in la xaraasho Furihii qolka xabsigii Nelson Mandela

0
581

Koonfur Afrika ayaa dalbatay in la joojiyo xaraashka furaha xabsiga ee jasiiradda Robben Island oo uu mar ku jiri jiray madaxweynihii hore ee dalkaas Nelson Mandela.

Iibinku wuxuu ka dhacayaa  guriga xaraashka ee Guernsey  oo New York ah, bisha Januaray ee 2022. Iibiyuhu waa Christo Brand, oo waardiyihii ka ahaa qolkii uu Mandela kaga jiray xabsiga Robben Island.

Laakin Nathi Mthethwa oo ah wasiirka dhaqanka ee Koonfur Afrika ayaa sheegay in aan wax wada tashi ah lagala samayn dowladda.

“Furahan waxaa iska leh dadka Koonfur Afrika,”

“Ma aha wax qof gaar u leeyahay,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Guernsey’ ayaa sheegtay in xaraashkeeda  u qorshaysan ee 28-ka January uu yahay in uu dhaqaale loogu ururiyo beerta xusuusta iyo madxafka ee agagaarka goobta lagu aasay Mandela.

Furaha Qolka xabsiga waxa uu ka mid yahay dhowr shay oo iib ah. Waxyaabaha kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ah rinjiyeynta asalka ah ee Mandela The Lighthouse, Robben Island, iyo sidoo kale baaskiilkii jimicsiga ee loo ogolaaday inuu isticmaalo iyo raakatka tennis-ka ee xabsiga.

Mandela oo ah halyey qaran oo ku jiray xabsiga Robben Island 27 waxay saaxiibo dhow noqdeen Mr Brand oo ah ninka hadda iibinaya alaabada.

Jasiiradda caanka ah, waxay heshay magac weyn, wakhtigii hore dadkii Dutch-ka ahaa ayaa ku noolaa, markii danbena Mandela ayey ku heshay magaca.

Sanadkii 1990-kii ayaa Mandela la sii daayay wakhtigaasna Koonfur Afrika waxa ka bilowday inay ka baxdo nidaamkii midab-takoorka (Apartheid) – habkaas oo lagu soo gabagabeeyay doorashooyinkii ugu horreeyay ee jinsiyado badan 1994-kii markii loo doortay madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ee dalkaas.

Mandela waxa uu xilka hayay hal xilli, isaga oo xilka ka degay 1999kii.

Wuxuu ku dhintay 2013 isaga oo 95 jir ah.

 

Leave a Reply