Sharcigu Maaha La Jiifiyaana Bannaan’e Qudhaadu Sanka Caano Ha Ka Keenin!!!”

0
388

 

Macallin dhinaca sharciga ah ayaa qallinku ka guntay ‘Sharcigu waxaa uu sharci ku yahay sida uu sharci u yahay”. Taas oo macne ahaan u taagan in aan sharcigu u jiid-jiidmin sida Laastiiga ama cinjirka. Sidaas darteedna, waxaa laggama maarmaan ah in aad ka foggaato  oo iska jirto inaad ka doodo sharci addiga oo dooddaada lafteedda ku jabinaya sharci kalle.

Waxaa arrintan tusaalle ahaan loogu soo qaadan karraa mudane Xirsi Cali Xaaji Xassan iyo qodobaddii sharci ee uu u adeegsaday haddal dhaliil ahaa oo uu u jeeddiyay todobaadkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Haddii aan loogu cudur daarrin Xirsi waxaa uu jaha-waareer ka qaaday farxaddii, naxdinta isku badashay ee ka dhalatay markii la xassuusiyay in aan waqti badanni ka hadhin xiligii sharcigu Jideeyay ee la furri lahaa urruradda siyaasadda isaga oo aan todobaadba joogin Xilka guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo uu dirqi iyo si fool addag uu kula wareeggay bishii 11-aad ee aynu ka soo gudubnay.

Xeer buu ka hadlayay la jabiyay. Waxaana jaha-wareerkii geliyay Arrin maxkamad horyaalla. Taas oo natiijadeeda in lagaga hor dhaco oo lagga hadlaa ay tahay sharcidarro ciqaab lagu mutaysan karro. Loomana cudur-daari karro Odaygu waa cadhaysnaa.

Waxaa kalle, oo uu isku qaaday, “Qodobka 114aad, ee Dastuurka, farqadiisa 3aad oo u dhigan “Masuuliyiinta Qaranka ee Dastuurku waajibiyay in la ansixiyo, si ku-meel gaadh ah xilka uma hayn karaan muddo ka badan saddex bilood”.

Arrintaasna waxaa faaqidaad kooban ku fassiray Garyaqaan Xassan Faarax. Waxaana uu tilmaamay oo yidhi. “Qodobkani kama hadlayo muddada Madaxweynuhu Gollaha ugu gudbinayo magacaabista uu sameeyo, ee xubnaha ay tahay in ay ansixiyaan Gollaha Wakiiladdu, balse Qodobku waxa ujeedada iyo nuxurkiisu yahay kuna kooban yahay, xaaladda Madaxweynuhu si ku meel gaadh ah u magacaabo masuul mansabka loo magacaabay ka tirsan yahay kuwa u baahan ansixinta Gollaha Wakiiladda, muddada uu ku meel-gaadhka ahaan karo oo aan ka badan karin saddex billood.

Qodobkan Dastuuriga waxa sii fasiraya Qodobka 17aad ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Banaan (Xeer Lr. 71/2015), oo nuxurkiisu yahay magacaabista ku meel gaadhka ah, Qodobkaasi oo ka kooban saddex farqadood, waxa uu u dhigan yahay sidan soo socota:

  1. Marka masuulkii xilka hayey, sababo caafimaad darteed ku maqnaado ama si kaleba xilka u gudan karri waayey ama jagadu bannaanaatay, Madaxweynuhu wuxuu si ku meelgaadh ah u magacaabi karaa sarkaal Xukuumadeed ama qof kasta oo ku munaasib ah.
  2. Qofka xilka loo magacaabay wuxuu xaq u yeelanayaa mushahar marka aanu markii horeba ahayn shaqaale Xukuumadeed ama mas’uul sare, hadduu ahaase shaqaale ama mas’uul wuxuu yeelanayaa guno xileed, waxaana xeer Madaxwayne loogu samaynayaa kab.
  3. Muddada magacaabista ku meel gaadhnimadu sinaba uma dhaafi karto saddex Bilood.”

Cidda taas diiddanna waxaa lagga rabaa Xujo sharci oo rasmi ah ee haddal-tire looggama fadhiyo. Qodobadda uu ka hadlay waa badnaayeen, laakiin, nuxurka uu u socday waxaa ay u badan-tahay labaddan qodob ee mid Maxkamadda hor-yaal kan kalena fasirkiissa aynu tilaanay.

Waxaa intaas dheer oo muddan in aynu milicsanno, Taariikhda Xirsi oo aynu ka dheehan karrno sawir aynu ku qiimeyn karrno Guddoomiyaha deg-degga iyo fudeydka lagu Xanto. Inagga oo ku  koobnaanayna qayb-yar oo ka mid ah Taxanne Wargeyska Jamhuuriya ka qoray 2014-kii waa Xilliyaddii uu Wasiirka Madaxtooyadda ahaa ee uu dagaalka kula jiray Xisbiga uu hadda la gagabay, islamarkaana uu doonayay    inuu isaga hoggaankiisaba Sankooda Caanno ka keenno. iyaggoo wax-yar ka hor ka wadda shaqeeyay wax ka bedelkii Xeerka hadda ka nixiyay. Waxaa qoraalku ku bilaabmay sidan. “Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada: Waxa uu saaxadda siyaasadda Somaliland ku biiray dabayaaqada sannadkii 2007, waqtigaas oo uu ka mid noqday Komishankii Doorashooyinka Qaranka ee ku fashilmay diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee laga guuray. Wax yar ka hor intii aan la kala dirin guddigii uu ka tirsanaa ayaa laga qaaday xilka guddoomiye-ku-xigeenka, kadib markii lixdii xubnood ee kale ku eedeeyeen inuu ku xadgudbay xeer-hoosaadka iyo anshaxa Komishanka, maalmo dabadeedna waxa uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Doorashada oo uu u metelayey xisbiga KULMIYE oo xilligaas ahaa mucaarad adag.”

Waa loo cudur-daarray, Waxaana uu si weyn u soo shaac-baxay oo hadal-hayntiisu aad u badatay markii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo la wareegay talada dalka bishii July ee sannadkii 2010kii oo uu u magacaabay xil aan hore Somaliland looga aqoon oo ah Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada.  waxaannu noqday xubin xuurto ku qabsaday dhammaan hawlihii qasriga Madaxtooyada, waxaanay bulshada reer Somaliland aad isu weydiin jireen xilka iyo awoodo xad-dhaafa oo uu yeeshay xilligaas.

Ku sinnaan bishii July ee sannadkii 2011 oo Madaxweynuhu isku-shaandhayn ku sameeyey golihiisa wasiirrada waxa uu ku soo baxay xilka Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.”

Markiiba waxaa uu isu arkay Wasiirka ugu awoodda badan, uguna firfircoon 26-kii wasiir ee xukuumadda KULMIYE ka koobanayd xilligaas.   Sidoo kale, dad badan ayaa rumaysannaa in masuuliyiintii hay’adaha kala duwan ee xukuumadda waagaas uu intooda badan isagu wakiil uga ahaa Madaxweynaha xataa wasiirro badan oo dhiggiisa ah, halka masuulka awaamiirtiisa u hoggaansami waayana la sheegay inuu olole xooggan u galli jiray sidii xilka looga qaadi lahaa, waxana jira rag badan oo la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey erigooda.”

Waa tabta, maantana loo arrko inuu cunaha ugaga duuban-yahay Xisbigii Waddani. Sanaddahaa, uu calan-walaynayay, waxa uu gadh-wadeen ka noqday qorshe xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u dejisay horumarinta jidadka dalka, kadib markii wasaaraddiisa la hoos keenay Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland oo hore u madaxbannaanayd.

Arrintaas waddooyinka, qallinku halkii uu kagga tagay, waxaa aynu u deynaynaa masuuliyiintii xilka kala wareegtay, gaar ahaan, Bishii November 25, 2016, Wasiirka Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa markii ugu horaysay shaaciyay inuu wasiirkii hore ee madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan uu kala wareegey lacag dayn ah oo dhamayd 5 milyan oo doollar, kaas oo uu tilmaamay in daamurka lagu dhisay jidka Ceerigaabo iyo Burco u dhaxeeyaa 70% uu dayn ahaa oo xukuumadda lagu lahaa markii uu xilka la wareegay.

Aynu Qoraalkii Jamhuuriyadda ku laabano’e, waxaa uu ka mid ahaa  “Dadka dhaliilsan ayaa ku tilmaama masiibo Somaliland lagu soo dhex tuuray, bar madow iyo cambaar ku taal taariikhda hoggaaminta Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).” “Waa xubinta loogu hadal-haynta badan yahay 26-ka wasiir, had iyo jeerna isaga ayaa loo nisbeeyaa masuuliyadda khaladaadyada siyaasiga ah ee xukuumaddiisu gasho, maadaama uu yahay ninka labaad ugu awoodda badan hawlaha maamulka dalka.”

Waxa lagu xantaa qabiili dadka kala xigtaysta, awoodaha xad-dhaafka ah ee Madaxweynuhu siiyeyna u adeegsada cadaadiska cid kastoo aan adeege fiican u noqon, dad fara badan oo beeshiisa ahna u sameeyey mashaariic naas-nuujin ah oo ay dhaqaale culus ka helaan.

Waxa kaloo lagu xidhiidhiyaa inuu xidhiidh la leeyahay kooxaha islaamiyiinta ah ee reer galbeedku saska ka qabaan.

Dhinaca kale, waxa jira aragtiyo kala duwan oo rumaysan inuu macaash dhaqaale oo badan ka helay mashruuc Madaxweyne Siilaanyo kelidii u wakiishay oo lagu soo xero-galiyey madax-dhaqameedyo iyo siyaasiyiin reer Sool iyo Awdal ah oo ka soo horjeeday qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland,.” “Waxyaabaha sida gaarka loogu xasuusto muddadii uu garoonka siyaasadda ku jiray waxa ka mid ah; xadhig xukuumaddii UDUB ee Madaxweyne Rayaale kula kacday wax yar kadib markii uu iska casilay xubinnimada Komishankii Doorashooyinka Qaranka ee hore, iyadoo xilligaas lagu eedeeyey abaabulka dagaal sokeeye iyo inuu baabuur qoryo ku saaray degaannada Gobolka Togdheer oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.”

Waxaa aynu ku soo xidhaynaa, Eraygii qoraalka 2014 lagu soo koobay ee ahaa ‘SANKA CAANO HA KA KEENIN!’ oo ahayd weedh hal-hays noqotay oo Xirsi oo Wasiir ahi ugu maahmaahay Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku eedeeyey xukuumaddii uu ku jiray inay faragelin ku hayso golihiisa oo waqtigaas khilaaf culus ka dhex aloosnaa. Waxaana aynu leenahay, cudur daar ma jiro’e, Sharciga ayaa la marayaa sidaas darteed qudhaadu iska jir oo “‘SANKA CAANO HA KA KEENIN!’

 

 

 

 

 

Leave a Reply