Xidhiidhka Degenaansha Iyo Nolosha!

0
244

Khubaro u dhalatay wadanka Ingiriiska ayaa sheegay in deganaanta noloshu waqtigan noqotay mid la iibsan karo, iyaga oo taasi ku sababeeyey daraasad ay muddo wadeen oo ay ku qiyaasayeen dadka nolosha wanaagsan ku nool iyo dadka saboolka ah.

Natiijadii kasoo baxday daraasadan ayaa noqotay mid tilmaamaysa in dadka lacagta lihi ay sannadihii ugu dambeeyey ahaayeen kuwo ka deganaansho badan dadka faqiirka ah ,marka loo eego sannadihii hore.

Daraasadan oo ay sameeyeen khubaro ka mid ah Maxadka Qaranka ee Samaynta Cilmi baadhista ayaa sheegay in ay ogaadeen intii ay daraasadan ku jireen in markasta oo lacagta qofka baanka ugu jirtaa ay korodho ay sidoo kalena sii korodho deganaanshihiisu.

 

Khubaradan ayaa intaasi raaciyay in lacagtu noqotay waxa qofka siiya kalsoonida, sidoo kale qanciya, iyada oo ay hadba ku xidhan tahay xadiga ay taagan tahay.

Khubaradan ayaa sheegay in sannado ka hor ay lacagtu ahayd mid dadka ku keeni jirtay wareer iyo deganaansho la’aan ,iyada oo ay dadka qaarkood is dili jireen, laakiin waqtigan dadku ay deganaansho dareemaan markasta oo ay lacagtu u kordhaan, taasina ay sabab u tahay nolosha dunida ee sii adkaanaysa oo dhib ku ah dadka saboolka ah.

 

 

Leave a Reply