Fikirka Raadinta Xalka Mushkuladda!

0
353

Krishna Menon wuxu ahaa safiirka dalka India u fadhiyay Qaramada Midoobay . Sanadkii 1957 waxa uu noqday Siyaasigii ugu khudbada dheeraa ee soo mara qaramada midoobay.  Sanadkaasi ayuu golaha amaanka ka jeediyay khudbad aad u dheer oo socotay 8 saacadood oo uu kaga hadlayay xaaladda Kashmiir.

Mr.Krishna sidii uu waday khudbada ayuu dawakhay oo dhacay oo isbitaalka loola cararay. Laakiin markii uu dhakhtarka waxooga joogay ee uu soo miyirsaday ayuu haddana  codsaday inu khudbadii halkii ka bilaabo , waxaan uu sii waday saacad kale.

Wuxu ahaa qof wadankiisa jecel oo doonaya in dhibaatada haysata xal loo helo. Laakiin nasiib daro mushkuladda uu maalintaasi ka hadlayay ee uu u dawakhay weli way taagan tahay.

Khudbadiisa ayaa noqotay tii ugu dheerayd ee golaha amaanka laga jeediyo.  Waxaana markii danbe lagu naanaysi jiray “ Hero Of  Kashmir”. Krishna Menon wuxu dhintay sanadkii 1974 , bishii October.

Leave a Reply